Falku waa xubinta gundhigga u ah xubnaha faahfahinta
weerta, yeelehana waa xubinta gundhigga u ah falka (falka qof-ahaan iyo
shaqal-ahaan wuxuu matalaa qura yeeleha). Mawduuca waa waxa khabarku (warka
laga faahfaahsho) ka hadlo ama faahfaahiyo ee uu falka gundhig ka yahay, laakiin
goortan waxaa isku mid ah yeeleha iyo layeeleha falka. Mawduuca afka Soomaaliga
waa halka diiradaynta weertu taala; diiradayntaas waa madaxa weerta ee tilmaama
caynka weertaasi tahay.
Weerta Madaxbanaan
Weerta madaxbanaan waxaa lagu garan karaa madaxa weerta
oo ah diiradiye. Waxaana jira sadex cayn ah ee diiradiye: «baa / ayaa» waxaa mawduuca
diiradaysan laga hordiiradiyaa falka ka hadla mawduucaas, tus. (Arday baan ahay),
waana weer magaceed; «waa» waa diiradiye u dhigma falka «ah», mawduuciisana waa
la hordhigi karaa ama waxaa la dib dhigaa falka kadib, tilmaantiisana ama
tayadiisa (attributive) ama waa la hordhigaa ama falkaa la dibdhigaa, waana
weer faleed, ha ahaado fal xaaladeed (stative) ama fal ficileed (dynamic) waxa
uu madax u yahay; waxaa kale ee jira cayn kale ee «waa» la mid ah fal-«ah»-ahaan,
kaasna waa «waaye» ee wadta «e» ee ah «magaca yeeleha» sidii isagoo sidta
yeele-ahaan macneha «waa» ee falka «ah» oo qaar «e»da danbe ku labaan shaqalka
dheer ee dhaxe «weeye» laakiin qaar baa aaminsan inuu kan danbe Soomaaliga
saxda yahay, laakiin kan Soomaaliga saxda ah naxwe-ahaan waa «waaye» bal haddii
loogu dhawaaqo «waaye» aksent-ahaan sida «weeye» way garan karaan inuu ka
saxsan yahay siduu erayga «gaal» ugu rogmay dhawaaq-ahaan «geel» oo qof-ahaan
«gaalka» uu la mid yahay «gaal-jireha / geel-jireha», oo dad-ahaanna dadka «gaalo»
ay yahiin dadka «gaaljireha ah» ee geeska Afrika, hadda wuxuu leeyahay
macnooyin kale aad uga duwan; wuxuuna kaga duwan yahay «waa» waa inay «waa» dibmaraan
mawduuca iyo tilmaantiisa halkay ka hormaraan «waaye» (aqri tusaalooyinka
hoose). Madaxa kale ee weerta madaxbanaan waa «waxa» iyo «waxaa» mawduuca waxaa
la dibdhigaa falka, inta kale ee aanan mawduuca ahaynin waxay hormaraan «waxa /
waxaa» ama dhaxdhacaan «waxa / waxaa» iyo falka; macnehiisa waa shayga oo loola
jeedo in waxa (yeele ama layeele) ee falku tilmaamo aanan aqoon loo haynin ee kadib
goorta lagu dhawaaqo falka la sheego ama la dibdhigo, «waxaa» wuuxuu kaga duwan
yahay «waxa» waa inuu leeyahay shaqal dheer, tan macnehiisu waa inuu ka
ficil-diiradaysan yahay halka kan danbe magaca ku diiradaysan yahay, labaduba waa
weer faleed.
Weerta af Soomaaliga waxay ku dhisan tahay (ha naqodto
weertay ahaadto) xeerka dhidban ee dhaxyaala inta u dhaxaysa madaxa weerta iyo
falka, taas waa inay inta dhidban isugu xigaan kala-horayn ah: (yeele, layeele,
dibyaalo, falkaab, fal) oo ka bilawdo madaxa ilaa iyo falka oo intaba isku wada
ah (fal iyo weer); inta ka madaxbaanna inta dhidban ay yahiin magac ama
magac-u-yaal madaxbanaan oo yeelan kara rug walba ee weerta.
Lawxa 1
Weer
madaxbanaan ah
|
|||
Hab
tabineed
|
|||
Weer
mawduuc magaceed (yeeleha dahsoon wuu ka hulan yahay yeeleha muuqan)
|
|||
M.yaal
|
Madax
|
M.yaal
dhidban
(fal
ah)
|
Fal
(-a;
-o)
|
Aniga
|
Baa /
Ayaa
Waxa
Waxaa
|
-
|
Jiifa
/ Jiifo
|
Adiga
|
-
|
Jiifta
/ Jiifto
|
|
Adiga
/ Isaga
|
-
|
Jiifa
/ Jiifo
|
|
Ayada
/ Iyada
|
-
|
Jiifta
/ Jiifto
|
|
Anaga
/ Inaga
|
-
|
Jiifna
/ Jiifno
|
|
Weer mawduuc faleed (yeeleha dahsoon wuxuu la
mid yahay yeeleha muuqan)
|
|||
M.yaal
|
Madax
|
M.yaal
dhidban
(fal
ah)
|
Fal
(-aa,
-taan, -aan, -o, -id, -tiin)
|
Aniga
|
Baa /
Ayaa
Waa
Waxa
Waxaa
|
aan
|
Jiifaa
/ Jiifo
|
Adiga
|
aad
|
Jiiftaa
/ Jiifto / Jiiftid
|
|
Asaga
/ Isaga
|
uu /
la
|
Jiifaa
/ Jiifo
|
|
Ayada
/ Iyada
|
ay
|
Jiiftaa
/ Jiifto
|
|
Anaga
/ Inaga
|
aynu /
aan
|
Jiifnaa
/ Jiifno
|
|
Adinka
/ Idinka
|
aydu /
aad
|
Jiiftaan
/ Jiiftiin
|
|
Ayaga
/ Iyaga
|
ay
|
Jiifaan
|
Kuwa hore ee tirada kali ah waa weer hulan (cleft
sentence), taas waa in yeeleha uu yahay mawduuca diiradaysan; iyo in yeeleha mawduuca
uu yahay yeeleha dahsoon (agent) iyo in yeeleha muuqan (subject) uu yahay
yeeleha falka; iyo in yeeleha dahsoon iyo yeeleha muuqan ay diiradiyeyaashu
kala hulaan, taasina waa sababta falka uu u leeyahay «-a»da gaaban ee «sal» ah
(absolutive) oo ah yeeleha ka hulan ama ka go’an yeeleha dahsoon (agent) ee mawduuca;
«-aa» waa yeeleha ay wada jir yahiin yeeleha dahsoon ku aadan magac-u-yaalka
dhidban ee falka; «-o» waa yeeleha ku diiradaysan layeeleha, «-i»na waa yeeleha
ku diiradaysan ficilka. «o»da iyo «i»da waxay ka mid yahiin weer faleed waayo yeeleha
ku saabsan layeeleha iyo ficilka ma ka qaybsano ficilka; yeeleha ku saabsan
layeeleha iyo kan ficilka ku saabsan labaduba waxay ka mid yahiin labada shaqal
laga helo diidmada – ee uu ka baxsan yahay «-aa» ee ah yeeleha ee yeeleha
dahsoon iyo yeeleha muuqan ku saabsan ee shaqal-ahaan la mid ah «labaanka» afka
Carabiga – waayo weerta diidmada waa weer faleed (ficileed) oo madaxiisu yahay
«ma», weerta diidmada magaceedka ahna (weerta tixraaca iyo weerta aasaaska ee
«baa / ayaa / waxa / waxaa») ee mawduuca weertu yahay «yeeleha» waxay qaadadtaa
magac-u-yaalka wada wadaaga ah: «aananin».
Tusaalooyin weer madaxbanaan ee tilmaan ama sifo (attributive)
ka baxsha mawduuca: :
1-
Tan waa warqad.
2-
Warqad waa tan.
3-
Waa tan warqad.
4-
Waa warqad tan.
5-
Warqad tan waaye.
6-
Tan warqad waaye.
7-
Tan waaye warqad.
8-
Warqad
waaye tan.
Tusaalooyin weer dheelitiran (equational sentence), ee
isku dheelitirta magac iyo magac kale tilmaan ama tayo ka baxsha (attributive) ee
«waa / waaye (baa ah / ayaa ah)» ee weerta dhiman ah iyo magac-u-yaalka ee magac
la soo sheegay ama la sheegi doono ishaara ama tilmaama (deixis) ee ah madaxa (kan,
tan, waxa, waxaa, sida, meesha, halka) ee weer dhiman tixraax ah, waxa isku
xira labada weer dhiman waa falka «ah» ee raacsan «baa / ayaa» ama waa «waa» ee
weer buuxda u dhigma:
1-
Warqaddan waaye (waa warqaddan) tan aan qoray.
2-
Tan aan qoray (waa warqaddan) warqaddan waaye.
3-
Waxaan qoray waa warqaddan / waxaan qoray
warqaddan waaye.
4-
Warqaddan waaye (waa warqaddan) waxaan qoray.
5-
Warqaddan waaye (waa warqaddan) siday tahay.
6-
Warqaddan baa ah (ayaa ah) tan aan qoray.
7-
Tan aan qoray baa ah (ayaa ah) waqaddan.
8-
Tan aan qoray baa (ayaa) warqaddan ah.
Tusaalooyinka kale ee la xiriira weer madaxbanaan:
1-
Warqadda bakhshad baan (ayaan) galiyay.
Falka weerta gundhigga u ah waa «galin» ee aminka
tagtada, waana fal gudbe labolaaban leh, mawduuca (kan diiradaysan) ee weerta /
falka waa bakhshad oo ah layeele dadban, warqadda waa yeele toosan, yeeleha
falka waxaa matala magac-u-yaalka yeeleha dhidban ee qofka kawaad (aan).
2-
Bakhshad anigaa warqadda galiyay.
Mawduuca falka / weerta waa (aniga) ee ah yeeleha falka,
bakhshad waa layeeleha dadban, warqaddana waa layeeleha toosan; weertan waa
weer hulan ah (cleft sentence) waana goorta yeelehu ka hulan yahay ama gooni
uga taagan yahay falkiisa.
3-
Warqadda bakhshad waan galiyay.
4-
Bakhshad warqadda waan galiyay.
5-
Warqadda waan galiyay bakhshad.
6-
Bakhshad waan galiyay warqadda.
«waxa» / «waxaa»
7-
Warqadda waxa / waxaa aan galiyay bakhshad.
8-
Waxaan galiyay bakhshad warqadda.
9-
Waxaan galiyay warqadda bakhshad.
Dhamaan waa isku macne iyo isku mawduuc.
Weerta Dhiman
Weerta dhiman waa weer aanan idil macnehiisu ahaynin ama
wax ka dhiman yahiin, waayo waxa ka dhiman waa falka aasaaska ee ay weertu ku
xiran tahay hadday weertu tahay weer hoosjoogga, hadday tahay weerta tixraaca waxa
ka dhiman ama waa falka aasaaska ama waa falka hoosjoogga. Weer tixraac ah waayo waa
weer ka baxisa tilmaan ama faahfaahisa magac, magac-u-yaal iyo falkaab ee madax
u ah, faahfaahinta waxay la mid tahay tilmaan ama sifo (sida tilmaanta magaca);
weer hoosjoog ah waayo waa weer hoosjoogta falka aasaaska ah goorta laga reebo
weerta shardiga oo weerta aasaaska uu ku xiran yahay ama uu hoosjoogaa weerta
hoosjoogga ah waayo waa halka shardigu ka jiro ee ay weerta aasaaska siiso
jawaabtiisa ama natiijadiisa.
Weerta Tixraaca
Weerta tixraaca, ee ka kooban magaca la faahfaahiyo ama
la tixraaco iyo oraahda faahfaahisa ama tixraacda ee uu falka gundhig u yahay,
oraahdan. Waxaa loo kala qaybin karaa labo: mid xaddida ama kooba faahfaahinta ama
warka laga baxinayo magaca oo ku reeba ama ku xaddida warka ahmiyadda u gaar ah
magacuu tixraac u yahay; mid kalena waa mid aanan xaddadin faahfaahinta ama
warka laga baxinayo magaca, oo ama magacaas si guud ah u sharxa, ama si dheeraad
ah u sharxa magacaas. Magaca iyo oraahda tixraaca waxaa soo dhaxgali kara «óo /
ée», si uu magaca u naqodo mid gooni u taagan, «óo» waa oraah ficileed kaliya,
waa qurub ka soo eega dhanka magaca la faahfaahinayo sidii tayada magaca
tixraaca oo la faahfaahinayo; meeshuu «ée» ka soo eego dhanka oraahda tixraaca
ee uu xoogga u saaro magaca tixraaca sidii isagoo ay oraahda ku saabsan tahay qofka
ama waxa oraahda leh ama oraahdu ay waydiinayso magaca ku saabsan ama leh; goortay
labo magac israacsan yahiin ee falka la xadifo waxaa soo hara labo magac
muujiya lehaan «ninka ee dukaanka leh» «ninka ee dukaanka / ninka dukaanka» ama
kuwo tayo sheega «ninka waynka ah / ninka wayn / ninka waynka». Oraahyada ama
weeraha falka u gundhig ah haddii laga soo eego siday u dhisan yahiin «madax +
faahfaahin», dhamaan waa oraahyo tixraah ah, ha noqodo magac xadifan ama mid
muuqan, ee waa madaxa oraahdaas kan jooga rugta madaxa tixraaca ah, sida
oraahda hoosjoogga ee madax u ah magacyo layeeleyaal ah waayo waa layeeleyaasha
falka aasaaska; sida oraahyada madaxbanaan ee madax naxweed u ah
diiradiyeyaasha «diiradiye + faahfaahin» laakiin madaxa dhabta waa kan ku xiran
macneha magaca uu matalo diiradiyeha; amarka, diidmada, waydiinta dhamaan
macnehay sidaan waa weer buuxda ama weer madaxbanaan.
1-
Gabartii Maryam warqadda qortay waa walaashay.
Gabartii Maryam waa yeeleha falka tixraaca (qortay) iyo
mawduuca weerta aasaaska ee «waa». Gabartii Maryam waa labo magac israacsan ee
uu midka danbe tilmaan-u-yaal yahay (appositive), midka hore ee ah magac guud,
kan danbena, ee tilmaan ka baxsha kan hore, waa magac gaar. «Gabartii Maryam
warqadda qortay» waa war u gaar ah gabartii Maryam ee la macne ah «Tan warqadda
qortay» ee ka soo horjeeda «Tan aanan warqadda qorin».
2-
Gabarta Maryam la yiraahdo waa tan warqadda qortay.
Gabartii Maryam waa layeeleha falka tixraaca (la
yiraahdo) iyo magac-u-yaalka «tan» ee ku xiran ama ku ishaaran (deixis) mawduuca
gabartii Maryam ee ah yeeleha weerta aasaaska ee weer dheelitiran ah (equational
clause). Weertan tixraaceed waa war dheeraad ee sharxa magaca «gabartii Maryam»
oo loo baahan yahay qura hadday kuwa lala hadlayo aynan garanaynin qoftay
tahay, oo loo qori karo:
3-
Gabarta, ee Maryam la yiraahdo, waa tan
warqadda qortay.
Weerta tixraaca waxay tilmaami kartaa magaca ama
magac-u-yaalka (yeele ama layeele) iyo magac falkaab ah (meesha, halka, kalka, inta,
marka, maalinta, aminka, sababta), oo magaca ama magac-u-yaalka ka mid naqon
kara weerta aasaaska ah ama weerta hoosjoogga ah. Falka weerta tixraaca waxaa
muuqaalka sacodtada ah (imperfective) shaqal-ahaan lagu dibkabi karaa: «-a» ee
yeeleha muuqan (subject) ee ka maqan yeeleha dahsoon (agent) matala, «-aa» ee
yeeleha uu la jiro yeeleha dahsoon matala, «-o» ee yeeleha tilmaama ama ku
diiradaysan layeeleha matala, «-id, -tiin» ee yeeleha labaad (kali / wadar) ee
ku diiradaysan ficilka matala.
Lawxa 2
Weerta tixraaca
|
|||
Habka tabinta
|
|||
Muuqaalka sacodtada
|
|||
Magac / M.yaal
|
Madax
|
M.yaal dhidban
(fal ah)
|
Fal
(-a; -aa; -o; -i)
|
Aniga
|
-
|
Jiifa / Jiifaa / Jiifo
|
|
Adiga
|
-
|
Jiifta / Jiiftaa / Jiifto / Jiiftid
|
|
Asaga / Isaga
|
-
|
Jiifa / Jiifaa / Jiifo
|
|
Ayada / Iyada
|
-
|
Jiifta / Jiiftaa Jiifto
|
|
Anaga / Inaga
|
-
|
Jiifna / Jiifnaa / Jiifno
|
|
Adinka / Idinka
|
-
|
Jiiftaan / Jiiftiin
|
|
Ayaga / Iyaga
|
-
|
Jiifaan
|
Weerta Hoosjoogga
Weerta hoosjoogga waa weer faahfaahisa weerta aasaaska
(falka aasaaska u ah gundhig). Hawshay qabtaan wuxuu ku xiran yahay weerta
aasaaska, waxaana ku xira madaxa weerta hoosjoogga ama xiriiriyeha weerta
hoosjoogga: Dhamaystireed (in), natiijeed (oo / ee), sababeed
(waayo, darta, si), qasdiyeed (si, in), lid-ogaleed (in kasta, si kasta),
amineed (kalka, goorta), siyaaleed (si, sida, habka, sidii) iyo shardiyeed
(haddii; ilaa iyo inta; tan iyo inta; tan iyo ilaa). Madaxyadan ee weerta
hoosjoogga waa madaxyo falkaab ah ee layeeleha toosan ama layeeleha dadban ee
falka aasaaska ah, weertay ka madax yahiin madaxyadan waa oraahyo falkaabeed
ama duruufeed xattaa haddii oraahyadaas lagu baddali karo magac, tilmaan ama
falkaab ay weertu la mid tahay.
Lawxa 3
Hab
tabineed
|
|||
Weer
hoosjoogeed
|
|||
Muuqaal
sacodto ah
|
|||
M.yaal
|
Madax
|
M.yaal
dhidban (fal ah)
|
Fal
(-aa;
-o; -i)
|
Aniga
|
In
Si
Inta
Sida
In kasta
Si kasta
Tan iyo inta
Tan iyo ilaa
Ilaa (iyo inta)
Haddii
Kalka / Goorta
Halka / Meesha
Waayo / Darta
Oo / Ee
|
aan
|
Jiifaa
/ Jiifo
|
Adiga
|
aad
|
Jiiftaa
/ Jiifto / Jiiftid
|
|
Asaga
/ Isaga
|
uu /
la
|
Jiifaa
/ Jiifo
|
|
Ayada
/ Iyada
|
ay
|
Jiiftaa
/ Jiifto
|
|
Anaga
/ Inaga
|
aynu /
aan
|
Jiifnaa
/ Jiifno
|
|
Adinka
/ Idinka
|
aydu /
aad
|
Jiiftaan
/ Jiiftiin
|
|
Ayaga
/ Iyaga
|
ay
|
Jiifaan
|
Weer dhamaystire ah
Xiriiriyeha «in» oo macnehiisu yahay «tiro yar ama
xoogaa» waa inta ka dhiman falka aasaaska ay weerta hoosjoogga
faahfaahiye-ahaan u dhamaystirto, sidaasna wuxuu u yahay xiriiriye dhamaystire
ah (complementizer) ee falka aasaaska, tusaale:
1-
Inaydu ku dhiiran tahiin baa ka muhiimsan.
2-
Inaynu suuqa aadnaa baynu doonnaa.
3-
Inaynu suuqa aadi doonnaa baynu doonnaa.
4-
(x) Waxaynu doonnaa inaynu suuqa aadaynaa
(aadi haynaa).
5-
Waxaynu doonnay / doonaynay inaynu suuqa
aadnaa.
6-
Waxaynu doonaynay inaynu suuqa aadnay.
7-
Waxaynu doonnay / doonaynay inaynu suuqa aadi
lehayn.
8-
Waxaynu u haysanaa inaynu iman doonnaa.
9-
Waxaynu u haysanaa inaynu imanaynaa (iman
haynaa).
10- Waxaynu u
haysanay inaynu iman lehayn / iman doonnay.
11- Waxynu u haysanay inaynu nimid.
Weerta hoosjoogga waa weer faahfaahisa weerta aasaaska. Weerta
dhamaystire waa mid ah layeeleha ee falka aasaaska sidaas dartayda waa weer
magaceed ama u dhiganta magaca layeeleha ee falka aasaaska, tusaaleha 1aad
weerta hoosjoogga waxaa lagu baddali karaa magac-u-yaal: «Taas baa ka
muhiimsan»; tan kale tusaaleha 1aad weerta hoosjoogga waxay u dhigantaa mid
tilmaan ah (adjective) ee faahfaahisa falka aasaaska oo isna tilmaan ah;
tusaalooyinka kale iyagana waxaa lagu baddali karaa «halkaas, meeshaas» weerta
oo dhan, haddaba waa oraahyo falkaabeed. Weerta hoosjoogga ee ah layeeleha ee
falka aasaaska wuxuu u dhigmaa masdarka hoosjoogga, tusaaleha 1aad wuxuu
naqodaa: «Dhiiran ahaantiina / dhiirnaantiina baa ka muhiimsan» sidaas
dartaydana waa oraah magaceed. Goortaan ku horqoro (x), waxaan ula jeedaa inay
weer qaldan tahay; sida falka «doonid» oo aminka dhaxsacodtada aanan la
adeegsan karin goortay ku saabsan tahay aminka falka hoosjoogga, falalka la mid
ahna waa «rabid, baahid, baahasho, damcid, u jeelid» ee goortuu falka
hoosjoogga qaadto aminka timaadtada wuxuu yeeshaa macne suurtagal ah ee ku
xiran jawiga loo adeegsado, falalka ka soo horjeedana waa «u haysasho, malayn,
u qaadasho, u jeedid, fikrid».
Weer qasdi ah
Labada xiriiriye ee matala qasdi waa xiriiriyeha «si» oo
macnehiisu yahay «habka ama hanaanka ama sida wax loo qabto ama loo falo» ee uu
si toos-ahaan weerta hoosjoogga u soo gudbiyo macnehan ama weerta hoosjoogga uu
siiyo ujeedada iyo sababta yeeleha falka aasaaska oo naqodta weerta weer qasad
ama qasdi ah ee xiriiriyeha qasdiga «si» madax u ah (purposive complementizer);
xiriiriyeha qasdiga ee kale waa dhamaystireha «in». Tusaale «hab» la macne ah:
1-
Si aan u tagaan rabaa.
Waa weer haddii la adeegsado «in» uu soo saarayo macne
dhamaystire ah «inaan tagaa baan rabaa», laakiin haddii «si» la adeegsado
macnehiisu wuxuu naqon karaa labo: 1- «hab aan ku tagaa baan rabaa», marka tan ma aho weer qasdi ah ee
wuxuu la macne yahay weer siyaalo ah (manner), tan labaad waxay naqodtaa: 2- «si
aan u tagaan rabaa» waa weer qasdi ah ee la macne ah weer dhamaystire ah:
«inaan tagaan rabaa».
2-
Si aan imtixaanka ugu gudbaan u dadaalaa.
3-
Inaynu suuqa aadnaa baynu u baxnaa.
4-
(x) Si aan imtixaanka ku gudbi doonaa.
5-
(x) Si aan imtixaanka ku gudbayaa (gudbi hayaa).
6-
Inaynu suuqa aadi doonnaa baynu u baxnaa.
7-
Inaynu suuqa aadayno (aadi hayno) baynu u baxnaa.
Lixdan weer waa kuwo sidta sababta iyo ula jeedadada oo
labaduba wada «qasdiga» yeeleha falka aasaaska ah. Tuusalooyinka 4 & 5 waa
weer siyaalo (manner) ee ma ahaanin weer qasdi; weerta qasdiga ee «si» ee aanan
ahaynin «sida» waxay qaadan kartaa aminka joogtada qura, laakiin ma qaadan karto
aminka timaadtada iyo dhaxsacodtada ah waayo qasdiga waxaa xanbaarsan qurubka
laftigiisa ee «si» iyo yeeleha ee falka aasaaska, tusaalooyinka 8 & 9 waxay
tusaan goorta falka aasaasku yahay tagtada waxaa jira labo siyood suurtagal ah:
falka hoosjoogga oo joogto naqodo (9), ama falka hoosjoogga ee tagto naqoda ee
muuqaalka sacodtada leh. Tusaalooyinka 3 & 6 & 7 madaxa weerta waa
dhamaystireha «in» ee aanan qabin labo macnaadka ee «si». Falalka aasaaska ee
«rabid, dadaalid» weerta hoosjooggawda waa weer magaceed waayo waxaa lagu
baddali karaa «taas / tan», laakiin weerta hoosjoogta «baxid» waa weer
falkaabeed waayo waxaa lagu baddali karaa «halkaas, meeshaas».
8-
Si aan imtixaanka ugu gudbi lehaa baan ugu dadaalay.
9-
Si aan imtixaanka ugu gudbaan ugu dadaalay.
Weer natiijo ah
Waa weer natiijeed (consecutive) ee weerta aasaaska ka
hadasha ee matala xiriiriyeha «ee / oo»:
1-
Si darán buu shaqada u qabtaa ee wuu ku
jiradaa.
2-
Si wanaagsan bay u hadashaa oo dadka ay jacal
yahiin.
3-
Mushahar wanaagsan fiican buu qaadtaa ee uu ku
faraxsan yahay.
Tusaaleha 1aad ee hoos ka xariiqan, magac, tilmaan, falkaab
ma lagu baddali karo, laakiin wuxuu faahfaahiye u yahay falkaabka siyaaleed ee
tusa sida shaqada loo qabtay; tusaaleha 2aad iyo 3aad waa kuwo tilmaan ah ee
weer tixraac ah, tan 2aad waxay faahfaahisaa falkaabka siyaaleed «si
wanaagsan», tan 3aad waxay faahfaahisaa magaca iyo tilmaantiisa «mushahar
wanaagsan fiican».
Weer lid-ogal ah
Waa weer hoosjoog ah oo ogalaada macne ku lidsan (concessive)
ama ka soo horjeeda tan aasaaska ah, haddana wax dhaci kara ah. Xiriiriyeha waa:
m.yaal (oo / ee); inkasta; si kasta; si; laakiin; -se; xattaa haddii; haddii;
haddana / -na.
1- Way ii
fududaadtay anigoo waxba qabanin.
2- Inkastaan
buugga aqrinin,
waan aqaanaa wuxuu ku saabsan yahay.
3- Arintaas
maan fahmi, si kastaan yeelaa.
4- Way igu
adkaadtay, si aan yeelaaba.
5- Xaafaddaas
maan dagani, laakiin waan booqdaa.
6- Xaafaddaas
maan dagani, waanse aqaanaa.
7- Makaanikada baabuurta aaduu u yaqaanaa, haddana
baabuurkiisa jabay waxna kama qabto.
8- Xattaa
haddaad i waydiisadtaan, maan soo naqonayo.
Kan 1aad waa oraah tixraaceed ee la mid ah oraah magaceed,
inta kale waa oraahyo duruufeed ama falkaabeed, tusaaleha 6 waa oraah aasaas
ah, waxaa ku jira «-se» oo dibkab ah oo macne kasoohorjeed ah ama lid ah siiya;
oraahda 7 waxay naqon kartaa «baabuukiisana jabay waxna kama qabto» waxaa macne
siiya dibkabka «-na» (oo xiriiriye isku xir ah ee oraaheed ah) laakiin halkan
ku siiya macne lid ah, waana oraah falkaabeed.
Weer ee meel ah
Waa oraah falkaabka meel (meesha) ama hal (halka) ama in
(ta) u madax ah ama eray kale ee magac falkaab meeleed ah:
1-
Waxaan iman doonaa meeshaad joogtid.
2-
Halkuu awawgay daganaa baan aaday.
3-
Intay fureha kaga tagtay, iyadoonan ogaynin.
Kan 1aad «waxaan iman doonaa meeshaas», kan 2aadna
«halkaas baan aaday», kan 3aadna «intay kaga tagtay»; kuwa hoos ka wada
xariiqan waa oraahyo falkaab meeleed la mid ah. Kuwa hoos ka wada xariiqan iyo «iyadoonan
ogaynin» waa oraahyo tixraaceed.
Weer amin ah
Waa oraah falkaab amin ah uu u madax yahay: kal (ka),
goor (ta), mar (ka), waqti (ga), amin (ka), xili (ga), jeer (ka), had (da), had
(ka), dhawr (ka), saacad (da), (amin + walba / amin + kasta), inta, kahor,
kadib, ilaa, ilaa iyo inta, tan iyo ilaa, tan iyo inta, isla kalkii, isla
goortii, isla markii... kalkii ugu horeeyay, kalkii ugu danbeeyay... kalkal
(ka), goorgoor (ta), marmar (ka), jeerjeer, kal ka kal, goor ka goor, jeer ka
jeer... kal iyo kal walba (kasta), had iyo had kasta (walba)...
1- Jeeraan
tagay Hoteelka
buu ii sheegay taas.
2- Goor ka
goor ee uu iman jiray halkan buu gargaari jiray.
3- Intaadan
igu oranin baan
ogaaday.
4- Kahor
aragtidaada buu
hawsha qabtay.
5- Kadib ee
uu baxay buu
wacay.
6- Isla
goortay dhamaystirtay, way tagtay.
7- Tan iyo
intay soo gashay,
waxay qabadtay waxna.
8- Tan iyo
ilaa aan dhamaystiraa, wax kale yeeli mayi.
9- Had
walbaan maqlaa taas,
dibay ii soo xusuusisaa.
Tusaaleha 8aad waxay u jawaabtaa su’aasha: «goormaad wax
kale yeelin?»; inta kale, falkaabka amineed waa layeeleha ee falka aasaaska,
waana weero tixraaceed.
Weer siyaalo ah
Waa weer siyaalo ah (manner) ee falkaabeed ee u madax ah:
si (da / dii), hab (ka / kii), siyaalo (ha / hii), siyaabo (ha / hii)
1- Si / hab
aan u yeelaa baan
aqaanaa.
2- Siduu u
sameeyay, lama
garanayo.
3- Sidii
isagoo yaaban buu u
ekaa.
4- Siyaabahaad
u samaysid, maan
ku raacsani.
Oraahyada falkaab siyaaleed, dhamaan waa weero tixraaceed
ee leyeeleha falka aasaaska ah.
Weer tiro ah
Waa weer falkaabeed ee tiro sheegta: in (ta). Tusaaleha
hore weerta tixraaceed ee tirada ah waa layeeleha ee falka aasaaska, kan
labaadna weerta madaxbanaan waa weerta sharaxda (inta) «intaan ka baxshay».
1-
In aanan yaraynin buu qaadtay.
2-
Intaan ka baxshay, way badan tahay.
Weer sabab ah
Waa weer sababeed (causal) ee weerta madaxbanaan sheegta
oo u madax ah: sabab (ta), waayo, dar (ta) / dartayd (da) / dartiis (a), aw
(ga) / awgayd (da) / awgiis (a), daraad
(da) / daraadayd (da) / daraaddiis (a), sida, maadaama, oo wada falkaab ah;
maxaa yeelay, maxaa dhacay oo wada magac tixraaceed ah.
1-
Roobaa da’ayay, sababtaasaan u haray.
2-
Waxaynu u booqanay, waayo wuu jiranaa.
3- Waxaan ka soo wacay shaqadiisa, war muhiim ah
daraaddiisa bay ahayd inaan u sheegaa.
4-
Waan kuu sheegayaa, maadaamaad igu wareeriso
su’aalaha.
5-
Sidaasoo geedku u qalalan yahay baan biyo ugu waraabshay.
6-
Maxaa yeelay jawi qurux badanaa jira, aynu iska majobaxsano.
Weer barbardhig ah
Tusaaleha 4, waxa laysku barbardhigaa baa ka wada
dhaxeeya oraahyada, daraaddaasna waa labo weer madaxbanaan ee isku barbardhigan;
tan waa weer aanan weerta hoosjoogga ka mid ahaynin. Tusaalooyinka 1 & 2
& 3 ee hoos ka xariiqan, sida (falkaab siyaalo ah oo tixraac ah) iyo tan
(magac-u-yaal ee weer tixraac) waa layeeleha ee falka madaxbanaan, waana madaxa
ee weertay layeele ka yahiin ee weer tixraac ah; sadexdan tusaale ma ka mid aho
weerta hoosjoogga ah.
1-
Muu u ciyaaro sida ciyaaryahanada kale u
ciyaaraan.
2-
Siduu u sheegay baa ka xiiso badan sidaad u
sheegtay.
3-
Tan uu yiri igama qancinin tan ay tiri.
4-
Intay samaysaa, in le’eg maan sameeyi.
Weer shardi ah
Weer shardi ah, xeer-ahaan waa mid hubaal ka maqan;
tusaalooyinka 1, 2 & 3 waxay leeyahiin suurtagal badan inay dhacaan,
tusaaleha 4aadna suurtagal yar, tusaaleha 5aad wax suurtagal ma qabo inuu
dhacaa, ama xattaa inuu dhacay; weerta shardiga ah waa labo qayb: oraahda
shardiga ah ee kuwan u madax ah: (haddii, xattaa haddii, ilaa, ilaa iyo inta; tan iyo inta; tan iyo ilaa); ama waxaa la adeegsadaa falalka
(ka fikir, u maleey, malo-awaal, ka soo qaad); iyo oraah jawaabtiisa ama natiijadiisa ka
hadasha.
1-
Tan iyo intaad hadlaysid, hawshaas maad dhamaysid /
dhamaynaysid / dhamayn doontid.
2-
Haddaad xafladda tagtid, anigana waan tagaa /
tagayaa / tagi doonaa.
3-
Hadduu xattaa warka helin, ha i soo waco.
4-
Hadday taas tiri, malaha wanaag bay ula jeeday.
5-
Haddaad ii baahan lehayd, waan kuu iman lehaa.
6-
Hadduu samayn lehaa, muu ahaadaynin (ahaadi
haynin) sidaas.
7-
Ka soo qaad, taas inaan yeelay, maxaad qaban lehayd?
No hay comentarios:
Publicar un comentario