Falka waa eray xeer ahaan gundhig
u ah erayo kale, ee uu ka tilmaamo wax dhaca, wax ahaada ama jira, ama wax hawl
ka dhaxdhaca, ama wax hawl tilmaama, ama hawl qabta, intan waxa ay tilmaamaan waxa
falka laftigiisa gundhig u ah, oo ah yeeleha ama faleha ee falka, erayada kale
waa waxa falku uu tilmaan ka baxsho ama hawl ka qabto, oo kala ah tilmaan iyo layeele.
Tirada ee dhismo ama magacyada falka dooddiisa ka tirsan ee ka qaybqaadan kara
falka, ha ahaado yeele ama layeele, waxaa loo yaqaanaa «kaaftawn / kaaftoon», haddii
la adeegsado dhismaha ugu yar uu ka koobnaan karo falka sida «sacosho, cararid,
seexasho» waxaa la oran karaa waa hal-kaaftoonle, laakiin «si dhaqso ah baan u
sacoday» waa labo-kaaftoonle (yeeleha iyo layeeleha falkaabka ah), sidoo kale falalka
sida «iraahid, sheegid, hadlid» waa labo-kaaftoonle, falalka sida «siin,
waydiin, galin» waa sadex-kaaftoonle, waxaana magacan laga soo qaadtay kimistariga, oo ah awoodda uu atom u leeyahay si uu ula
falgalo tiro atomo ah. Gudubnimada falka wuxuu ku saabsan yahay
layeeleha qura, ama waa magudbe oo aanan layeele lehaynin sida «hadlid», ama
waa gudbe sida «yeelid», ama waa gudbe labolaaban sida «siin, waydiin, galin»; ha
ahaado fal gudbe ama yuunan ahaanin, labaa loo qaybin karaa falka:
Fal
xaaladeed
Waa fal tilmaama xaalad ka
madaxbanaan aminka iyo muuqaalka falka, sida falalka: ahid, ahaansho (ahawnsho),
lehid (leh-ahid), lehaansho (leh-ahawnsho), hayid, haysasho, qabid, jirid, nacid,
nacbaansho (nacbawnsho), nacbasho, jaclid (jacal-ahid), jaclaansho (jaclawnsho),
jaclaysasho, dareemid, arkid, aaminid, aaminsanaansho (aaminsan ahawnsho), aaminsasho,
le’ekaansho (lehawnsho), aqoonsho (aqawnsho), maqlid, muuqid, ilawbid
(ilaabid), rajayn, malayn, garasho, doonid, damcid, karid, baahnaansho
(baahanawnsho), baahasho, seexasho, seexnaansho (seexanawnsho), joogid.
Fal ficileed
Waa fal tilmaama ficil ka
madaxbanaan aminka iyo muuqaalka falka, sida falalka: cunid, cabid, naqosho,
baddalmid, baddalid, baddalasho, rogmid, rogid, rogasho, rogsasho, sacosho, tagid,
korid, baxid, baxsasho, korarid, korarasho, korarsasho, hadlid, barasho, aqrin,
aqrisasho, qabasho, qabsasho, dheelid, ciyaarid, garaacid, qasid, dhaqid,
dhaqasho, karin, karsasho, siin, dhagaysasho, qubaysaho, doonasho, raadin,
raadsasho.
Qaabka falka wuxuu ka kooban
yahay «jirid» iyo «isrorog»; jirid waa erayga falka laftigiisa ah oo magaca
falka iyo macnehiisa sidta, isrogroggana waa inta jiridda wax ka sheega, sida: codka,
muuqaalka, aminka, habka, iyo tirada.
Ka soo qaad: «waydu haysadtaan»;
jiridda falka waa «haysad» oo ah qofka 1aad iyo 3aad ee labka ah, tan waxay ka
sii kooban tahay «hays + od» oo ah jiridda korarka ah ee codka sababeha
ah oo la raacsiiyo amarka codka naftii-u-yeeleha ah iyo jiriddiisa, «t»duna
oo si dheeraad dibkab ugu ah jiridda waxay tilmaantaa qofka 2aad iyo qofka 3aad
ee dhadigga ah, tan weertan ay raacsan tahay waa qofka labaad wadarta ah «aydu»;
«aa»da waxay tilmaantaa muuqaalka sacodtada ah iyo aminka joogtada ah;
«aa»da iyo madaxa «waa» ee weerta waxay tilmaamaan habka tabinta (indicative
mode); magac-u-yaalka «aydu» iyo «n»da oo israacsan waxay si wadajir ah u tilmaamaan
dhamaan tirada qofka labaad wadarta ah ee jiridda. (eeg lawxa 1 iyo 3).
Lawxa 1
Isrogrogga Falka
|
|||
Waydu haysadtaan
|
|||
-
|
Madaxa
|
Jiridda
|
+ Isrogrogga
|
Waa (aydu)
|
Haysad
|
Haysadtaan
|
|
Codka
|
(Hays) + od
|
||
Qofka (2aad)
|
Aydu
|
Haysadt
|
|
Jinsiga (lab)
|
aydu
|
Haysadt
|
|
Muuqaalka
|
-aa
|
||
Aminka
|
-aa
|
||
Habka
|
Waa (aydu)
|
-aa
|
|
Tirada (wadar)
|
Aydu
|
-taan
|
Muuqaalka
Falka muuqaalkiisu labuu kala yahay:
1-
Sacodto, waa muuqaal aanan ficilkiisa
(ficilka aasaaska ah) idlaysmin ee sacoda ama sacodto ah (imperfective), ee
dhaca aminka joogtada iyo aminka tagtada; wuxuuna u kala sii qaybsamaa shan:
a. Dhaxsacodto, waa muuqaal aanan waxba ku lehaynin bilawga ama dhamaadka ficilka ee dhaxsacoda
aminkuu hadleha ka hadlayo, ee ha ahaado joogtada ama tagtada, ee la adeegsado
falkaaliyeha «hayid» la oran karo dhaxsacodto (durative).
b. Dhawdo, waa muuqaal aanan filcilkiisa wali dhacin bal goor dhaw yeelehu qaban
rabo ama bilawbi rabo; waxaana la adeegsadaa falkaaliyeyaal kala duwan sida
«rabid, gaarid, dhawid, ogid» ee aminka joogtada iyo tagtadaba la adeegsado,
falkaaliyeha «doonid» waxaa la adeegsan karaa tagtada qura.
c.
Suurtagasho, waa muuqaal soo tabiya suurtagalka
dhacida falka, ee isana muuqaal dhawdo ah, waxaana la adeegsadaa falkaaliyeha
«lehid» ee aminka tagtada qura.
d. Caadadto, waa muuqaal ficilkiisu had iyo jeer dhaco ama dhaci jiray ama
dhacitaankiisa caadasho leh, goortuu ficilka aasaaska yahay waa isla muuqaalka
sacodtada ah, goortuuna falkaaliyeha «jirid» yahay waa muuqaal caadadto ee amin
tagto ah.
e.
Timaadto, waa muuqaal ficilkiisa dhaci doono,
ha ahaado mid dhaw ah ama mid fog ah, ee aminka mustaqbalka ku saabsan; waxaana
la adeegsadaa falkaaliyeha «doonid».
2-
Gabogabaysan, waa muuqaal ficilkiisu (ee ficilka
aasaaska ah) soo gabogabaysmay amin tagay ee go’an ama waxaa la oran karaa waa
muuqaal gabogabays iyo amin gaw ah leh ama gaw-ahaadto ah (punctual) iyo
gabogagaysan ah (perfective).
Aminka
Aminka falka aasaaska waa
labo:
1- Aminka joogtada
a.
Aminka
dhaxsacodtada (falkaaliyeha: hayid)
b.
Aminka
timaadtada (falkaaliyeha: doonid)
2- Aminka tagtada
a.
Aminka
dhaxsocadtada (falkaaliyeha: hayid)
b.
Aminka
caadadtada (falkaaliyeha: jirid)
Lawxa 2
Aminka Falkaaliyeha
|
|
Magaca
aminka
|
Falka
|
Timaadto
|
Doonid:
(joogto iyo tagto)
|
Sacodto
|
Hayid: (joogto
iyo tagto)
|
Caadadto
|
Jirid: (tagto)
|
Dhawdo
|
-
|
1)
Yaresoketo
|
Rabid,
Doonid, Gaarid, dhaw-ahid (Dhawid), Og-ahid (Ogid):
(tagto
iyo joogto)
|
2)
Suurtagasho
|
Leh-ahid
(Lehid): (tagto)
|
Caynka Falkaaliyeha
|
|
Karti
|
Karid
(joogto iyo tagto)
|
Karti
|
Og-ahid
(Ogid): (joogto iyo tagto)
|
Karti la’
|
Waayid:
(joogto iyo tagto)
|
Karti
la’
|
La’-ahid
(la’id): (joogto iyo tagto)
|
Falkaaliyeyaasha waxaa loo
adeegsadaa ama aminka ama caynka falka falkaaliyeha, kuwa (lawxa 2) muujiya
muuqaalka waa kuwa aminka wax ka sheega, kuwa aanan aminka wax ka sheegin waa
kuwa leh caynka falkaaliyeha ee macnehuu sidto falkaaliyeha laftigiisa ah ee
loo qaybin karo labo: kuwo leh hawl «karti» ah, iyo kuwo «karti la’» muujiya. Falkaaliyeha
«ogid» wuxuu yeelan karaa caynka falkaaliyehu yahay ee la mid ah macneha
falkaaliyeha laftigiisu uu sidto, sida: «waan samayn ogahay» oo la macne ah: «waan
samayn karaa», labadaba «ogid iyo karid» waxay qabtaan isku hawl, waana caynka
falkaaliyeha; ama «waan samayn ogahay» wuxuu yeelan karaa macneha aminka oo la
macne ah: «waan samayn dhawahay». Haddii laysku barbardhigo falkaaliyeyaasha «rabid
iyo doonid» iyo falkaaliyeha «lehid», tusaale ee weer shardi ah iyo
jawaabtiisa: «haddaan samayn rabay / doonay inaan sameeyo taas, maanan u yeeli
lehaynin sidaas», «haddaan samayn lehaa taas, maanan u yeeli lehaynin sidaas»,
tan hore xoogga wuxuu saaran yahay «ikhtiyaarka» yeeleha, tan danbena – oo ka
kooban «leh ahid», oo la macne ah «lehaansho» iyoba «iraahid» – waxay tustaa in
yeeleha falka «leh» uunan ikhtiyaar qabin – goorta loo barbardhigo tusaaleha
hore –, bal uu malo-abaarayay suurtagalka arintaas.
Lawxa 3
Muuqaalka falka
|
|||
Sacodto
|
|||
Dibkabka yeeleha sacodtada
|
|||
Sal
|
Muuqan
|
Layeele
|
Ficil
|
-a
|
-aa
|
-o
|
-i
|
Yeeleha mawduuca
(yeeleha salka – ee ka go’an yeeleha dahsoon ee
mawduuca ama wadarta amarka)
|
Yeeleha magac-u-yaalka dhidban ee falka
(yeeleha muuqan – ee uu la jiro yeeleha
dahsoon)
|
Yeeleha ku diiradaydan layeeleha
|
Yeeleha ku diiradaysan ficilka
|
Dhaxkabka yeeleha sacodtada
|
|||
Awl
|
Aqawn
|
||
aal, yaal
|
aqaan, yaqaan
|
||
Gabogabaysan
|
|||
Dibkabka gabogabaysan ah
|
|||
-ay
|
-ay
|
-ay
|
-ay
|
Dhaxkabka gabogabaysan ah
|
|||
Ayl
|
Aqayn
|
||
iil, yiil
|
aqiin, yaqiin
|
||
imid, yimid
|
Lawxa 3 ma ahaanin qura inuu
tuso isku xirnaanta iyo israacnaanta muuqaalka iyo aminka qura, bal inay u kala
qaybsamaan labo: sacodto / joogto iyo gabogabaysan / tagto, tan kelena waa in
muuqaalka sacodtada ah uu tuso afar yeeleyaal oo ku kala diiradaysan: «yeele,
layeele iyo ficil»; muuqaalka sacodtada ah wuxuu leeyahay dhaxkab ee yeele ku
diiradaysan yeele: «-aa-» iyo dibkab: «-a; -aa; -o; -i». Muuqaalka gabogabaysanna
wuxuu leeyahay dibkab: «-ay», dibkab dheeraynta jiridda ka mid ah: «im + id»,
iyo dhaxkab: «-ii-», oo dhamaan leh hal cayn yeele ah kaliya oo uu ka wada
dhaxeeyo shaqalka «i» oo ah yeele ku diiradaysan ficilka, tan waa in kala
duwanaansho uu ka dhaci karo kaliya inta lagu gudojiro muuqaalka sacodtada ah;
tan waa xeerkuu ku salaysan yahay afafka Afro-Aasiyada, oo lagu arko in hababka
afkawda (mode / mood) uu ka dhaxdhaco kaliya muuqaalka sacodtada ah.
Qaabka falka wuxuu u kala
qaybsan yahay labo: mid ku salaysan falka amarka ee salka ah iyo falalkiisa korarka
ah, iyo mid ku salaysan amarka falka «ahaw» iyo «ahay» oo ka dhisan falka
tilmaanta ah (sifada ah) «ah» ee ku dibkabma falalka amarka ah ee kala matala
«haw» iyo «hay» kan danbe waa falka «hayid», waxaana labaduba loo adeegsadaa
falgalinta magacyada ama magaca jiridda falka.
Codka
Lawxa 4
Codadka Jiriddaha Amarka
|
|||
Amarka
(Adiga)
|
Amarka
(Adinka / Idinka)
|
Jiridda
|
Codka
|
Jiridda salka I
|
|||
Jiif (B)
|
Jiifa
|
Jiif (ø)
|
(ø): Cod gaara aan lehaynin
|
-
(J)
|
-
|
Jiifm (-an)
|
Dhaxe
|
Jiridda korarka II
|
|||
Jiifi (B)
|
Jiifiya / Jiifsha
(sh = iy)
|
Jiifis (-is)
|
(-i): Sababe
|
-
(J)
|
-
|
Jiifism (-san)
|
Dhaxe
|
-
(J)
|
-
|
Jiifsam (-san)
|
Dhaxe
|
Jiifsii (T)
|
Jiifsiiya
|
Jiifsiis (-iis) (-siis)
|
(-ii) (sii): Sababe
|
-
(J)
|
-
|
Jiifsiism: (-san)
|
Dhaxe
|
Jiridda korarka III
|
|||
Jiifo (B)
|
Jiifada / Jiifta
|
Jiifad
[(-ad) < (-od)]
|
(-o): Naftii-u-yeele
|
-
(J)
|
-
|
Jiifm (-an) < (-on)
|
Dhaxe
|
Jiifso (T)
|
Jiifsada
|
Jiifsad
[(-ad) < (-od)]
|
(-o): Naftii-u-yeele
|
-
(J)
|
-
|
Jiifsam
(-san) < (-son)
|
Dhaxe
|
Codka waa sida yeelehu uu u
maro, ama u qabto ficilkiisa, xattaa hadduu u eg yahay inuu ficilka ku saabsan
yahay layeeleha sida codka «qof- / wax-u-yeele» ah (applicative voice) ee afaf
badan ee dunida ay qabaan. Codka wuxuu muujiyaa dirka (class) uu falku ka mid
yahay ee si kabmo ah (affix) ugu dibkabma dirka salka ah (dirka I) ee naqoda dirka
korarka ah (derivative), sidaas dartaydna waa mid naxwe ah (synthetic verbal
form) (siduu yahay AfroAasiyada oo dhan), ee waxaa jira afaf uu naxwe-ahaan
falka ugu kabmin ee la adeegsado xubno faleed (peripharastic verbal form). Falalka
salka ah ee dirka 1aad (I), jiridda qofka 1aad iyo qofka 3aad labka ah waxay la
mid yahiin amarka iyo magaca falka, codka falalkanay sidtaan waa codka yeeleha
muuqan (subject) iyo yeeleha dahsoon (agent) ee faacilka ah (active), ee
aanan lehaanin cod u gaar ah.
Waxaa jira sadex fal-korar
ah; dhamaanna waa falal «faacil» ah (active); fal-korar (II) ee yeeleha falka
«-i» iyo «-ii» cod «sababe» ah sidta; fal-korar (III) ee yeeleha falka «-ó» cod
«naftii-u-yeele / isuyeele» sidta ee cod «dhaxe» ah; iyo fal-korar ka mid ah
dir walba (IJ, IIJ, IIIJ) ee cod «dhaxe» sidta ee «fal xaaladeed» ah, ee afafka
Kuushka uu ka yahay cod «yeele gadisan» ah (passive).
Fal-korarka ee dirka labaad (IIB),
amarka wuxuu ka kooban yahay jirid sal ah iyo shaqalka «-i» ee matala «yeeleha
dahsoon» (aan qabanin falka bal amra qofka lala hadlayo) oo ku dibkaban, sida
«jiif + i = jiifi» ama jirid tilmaan sal ah (sifo) iyo shaqalka «-i» sida
«jilic + i = jilci» ama «jilayc + i = jilayci». Waxa amarka «-i» uu qabtaa waa
isagoo falgalsha macneha magudbeha ah ee jiridda, isagoona ka dhiga yeeleha ee
jiridda cusub gudbe leh cod «sababe» ah, taas waa inuu kaaftoonka jiriddaas
koraray. Jiridaha gudbe ah sida «hoy» oo ficilku ku diiradaysan yahay ama ku
kooban yahay yeeleha sidii ficilka oo ahaa magudbe, waxay «i»da ula dhaqantaa
jiridda sidii fal magudbe ah sida falka «hoyid» oo kaaftoonkiisa korara, taas
waa inuu yeeleha falka ku sameeyo qof kale ficilkii salka ahaa «hoyid» ee uu
qabanayay ee naqoda «hoyin», laakiin falka gudbeha ah sida «laabid» u yeelidda
cod sababe ah «laabin» ma siiyo baddal muhiim ku jira. Fal-korarka ee dirka (IIT)
oo amarkiisu yahay «-ii» ee u dhaqma sida amarka «sii iyo waydii» ee ah gudbe
labolaaban, laakiin haddii loo barbardhigo jiridaha qaadta «-i», macne ka duwan
ma ka soo baxo aanan ka ahaynin xoojinta codka, mana siiyo afka Soomaaliga «sababe
labolaaban» sida ku dhaca afafka Kuushka ah oo Soomaaliga qaabka falalka ay la
wadaagaan, balse wuxuu wax u taraa jiridaha aanan qaadan karin «-i», oo wuxuu raacaa
jiridaha leh «s» oo sababe ah sida «hays + ii = haysiin», laakiin hadday
naqodto jiridda «s» aanan qabin «hay» waxaa danbeeto raaca falka «sii» oo
jiriddiisu tahay «s» oo qura oo sababe matala «hay + sii = haysii»; sidoo kale
magaca matala jiriddan sababeha ah waa jiridda qofka labaad ee «s»da sida.
Fal-korarka ee dirka sadexaad
(III), kan (IIIB) waxaa jiridda salka ah raaca «-o» ee «yeeleha dahsoon» matala
(aan qabanin falka bal amra qofka lala hadlayo), waxay «-o»da waa yeele isku
diiradiya ficilka ee jiridda salka oo wuxuu naqodaa layeeleha ee isla ficilkiisa
si uu u yeesho cod ku dhaxjira ahaanta yeele iyo ahaanta layeele, ama si cad ah
ee la garan karo bay u dhacdaa tan, ama si hoosaas ah (goortuu yahay magudbe
ficilka) bay u dhacdaa, taas ee ah «cod dhaxe». Falalka jiridda salka ku ahaa
«magudbe» ee wali ahaada magudbe goortay «-o»da falka raacdo, yeeleha falka si
gooni ah buu u soo taagmaa oo xoogga ficilku uu u saaran yahay si uu u muujiyo
inuu ficilkiisa dulmaro yeelehu, ama inuu u dhaqmo yeelehu sidii isagoo
doorasho ku leh ficilkiisa sida «jiifasho» ee goorta loo barbardhigo «jiifid», laakiin
waxaa falalkan ka maqan codka ugu sareeya ee uu ficilka «-o» qaadan karo
«naftii-u-yeele / isuyeele» ee ay reergalbeedku ugu wacaan cod «dheefe» ah
(autobenefactive), tusaale: «booyid / ooyid» oo naqodta «booy + o = booyasho»,
«waan booyday / ooyday»; «jiifid» oo naqodta «jiif + o = jiifasho», «waan
jiiftay», «la’id» ee naqodta «la’ + o = la’asho» oo xattaa la macne ah
«dhimasho», «waan la’day», «fidid» ee naqodta «fidasho» codka masdarkan waa cod
«naftii-u-yeele / isuyeele» ah sababta ee inuu yahay magudbe ficil-ahaan ma u soo
gudbiyo codkan gaarka ah «wabiga wuu fidtay» ee soo gudbiya xoogsaarnaanta inuu
yeeleha ficilka maro goorta loo barbardhigo «wabiga wuu fiday»; waxaa jira
falal magudbe ah sida «qabid» oo yeeleha falku u dhaqmo sidii isagoo layeelehiisa
uu (yeelehu) dhaxdiisa ku haysto ama ku leh, goortay «-o»da raacdona jiriddiisa
uu isku baddalo fal «gudbe» ah kaliya «qabasho» oo codka «naftii-u-yeele» uunan
yeelan karin. Jiridda salka ee falalka «gudbe» ah, sida «dadid, yeelid, tirid,
saarid» goortay raacdo jiriddaas «-o» waxay yeeshaan cod «naftii-u-yeele /
isuyeele» ah, sida «dadasho, yeelasho, tirasho, saarasho», «waan dadtay,
yeeladay (yeeladay - yeeltay - yeeshay), tirtay, saartay». Falalka gudbe ah qaarkawda
sida «dhimid» ee tusaaleha «biyaha dhin», goortay «-o»da raacdo «dhimo» waa
sidii yeeleha oo lagu amrayo «is dhin» magac-u-yaalka «is» waa mid siiya falka cod
dhaxe ee «isyeele» ah, qaarna sida «dhalid» wuxuu isu baddalaa magudbe
«dhalasho»; labaduba waxay tusaan in yeelehu ficilka maro, laakiin uu ka maqan
yahay naftii-u-yeeleha. Fal-korarka (IIIT), jiridaha «-o»da ay raacdo waxaa
raacsan «s» oo ah sababe oo jiridda salka ka dhiga gudbe sababehu dhaliyay oo u
sahla yeeleha kalkay «-o»da raacdo inuu yeesho cod «naftii-u-yeele / isuyeele» ah
sida «qabid» «dhimid», oo ka yimaada «qabis» iyo «dhimis» si ay u naqodaan «qabso
/ qabsasho» iyo «dhinso / dhinsasho» oo ku yeelan waayay codkan «qabasho» iyo «dhimasho»,
kuwa kalena ee leh codka «naftii-u-yeele / isuyeele» waxaa ku darsama xoojinta
codkiisa kaliya sida «furasho, fursasho», «waan furtay, fursaday». Magaca
matala jiridda «naftii-u-yeeleha / isuyeeleha» waxaa amarka raaca «t» oo
naqodta «d»; ee ah «-od» oo loo aqriyo «-ad» «jiifad» ee la mid ah jiridda
qofka 1aad iyo qofka 3aad labka ah, sidaasna magacuna waa lab «jiifadka».
Waxaa jira jirido laga
dhaxhelo dir walba ee jirid ah iyagoo cod gaar ah leh, waxay ka samaysmaan
jiridda salka ah ee gudbe ama magudbe ah ee dir walba, ha ahaadaan jiridaha
amarka ama jiridaha ku salaysan amarka «ah» (ahaw iyo ahay), oo waxay isku
baddalaan tilmaan (sifo) fal ah, tusaale jiridda salka ee dirka 1aad (IJ) falka
tilmaanta ah: «jiifan»; dirka 2aad (IIJ) «jiifisan», isagoo xadaf ah «jiifsan»;
dirka 2aad (IIJ) «jiifsiisan»; dirka 3aad (IIIJ) «jiifan» oo «-an ka yimid -on);
dirka 3aad (IIIJ) «jiifsan». Tilmaamahan falka ah waxay sidtaan codka «dhaxe»
ah, taas oo ah cod yeele iyo layeele ah ee uu «ficilmare-ahaan» (experiencer)
xoogga u saaran yahay yeeleha ee muuqaal «magudbe», «isbaddal xaaladeed» iyo
mid «gabogabagaysan» leh (perfective) ee «yeele gadisan beenaad» ah
(pseudopassive); wuxuuna qaadtaa jiridaha qofka 1aad iyo 3aad labka ah, halka
«n»da uu u baddalmo «m» «waan, wuu jiifmay» iyo qofka 1aad wadarta
isagoonan waxba iska baddalin «waynu jiifanay»; afafka Kuushka waxaa
jiridda lagu daraa «-am / -an» waana cod «yeele-u-gadisan layeele» ah ama
sahal-ahaanba «yeele gadisan» ah (passive), kan u soo dhaw ee u dhigma afka
Soomaaliga waa adeegsashada magac-u-yaalka yeeleha dahsoon (agent) «la» – erayga
ingiriiska «passive» wuxuu ka yimid erayga laatiinka ah «passivus» oo ah tilmaan
la macne ah «dhibtoon kara, caloolxumaan kara» ee ka yimid falka yeele gadisan
ah ee masdarkiisa ah «pati» ee la macne ah «dhibmarid, dulqaadasho,
dulyeelasho»; sidoo kale erayga Carabiga «ألمَبْنِيّ لِلمَجْهُول» wuxuu la macne yahay «falka ku dhisan yeeleha aanan la aqoonin», oo loola jeedo «yeeleha dahsoon» ee hawsha qabta,
iyo yeeleha muuqan ee layeeleha ah ee «yeele gadisan» – yeeleha gadisan waa inuu
yeelehu ficilka maro ee yeele faacil ah (active) dibdanbe uunan u ahaynin,
sidaasna uu ku yahay «yeele gadisan» ee geeska kale ee yeeleha faacilka
(active) uu ku dhaco; laakiin afka Soomaaliga qaabka «-an / -am» waa cod faacil
ah (active), sababtuna Af Soomaaliga yeeleha dahsoon (agent) iyo yeeleha muuqan
(subject) labaduba waa isku mid xagga habka tabinta (indicative) iyo habka
idanka (jussive) iyo falalka diidmada ah oo dhamaan wada wadaaga siduu u
muujiyo falka isku-midkiisa ee qofka 1aad iyo qofka 3aad labka ah ee dibkabka ah
(iyo magac-u-yaalada sadexaad ee yeeleha – «uu»: yeeleha muuqan ee qofka
sadexaad iyo «la»: yeeleha dahsoon ee qofka sadexaad), waa sidoo kale falalka
horkabka ah inkastooy si cad ah u muuqanin; qofka labaad iyo qofka 3aad dhadiga
ah iyagana waxay sidoo kale ku leeyahiin wada wadaag horkabka iyo dibkabka, tan
waxay tusaysaa kala horayn jago ah ee qofka 1aad iyo qofka labaad, kuwa qofka
sadexaad ahna waxay muujiyaan kala horayn jago ah ee lab iyo dhadig ah oo ku
raacsan kala horaynta qofka 1aad iyo qofka labaad. Meesha yeeleha dahsoon
(agent) iyo yeeleha muuqan (subject) ay ku kala duwan yahiin waa amarka (kali /
wadar), qofka amraya waa yeeleha dahsoon ee qofka sadexaad labka ah, kan la
amrayo waa kan yeeleha falka ah ee qofka labaad labka ah. Sida afafka kale ee
Kuushka ee nala wadaaga codkan «-am / -an», wuxuu muujiyaa in yeeleha dahsoon
(agent) uu ka soocan yahay yeeleha muuqan ee falka, iyo inuu yeeleha dahsoon
yahay kan u gadiya yeeleha muuqan ee falka «layeele», sidaasna buu u yahay «yeele
gadisan» oo u gadismay layeele. Meesha kale ay yeeleha dahsoon iyo yeeleha
falka ku kala duwan yahiin waa weerta hulan (cleft sentence), oo yeeleha
dahsoon ah yeeleha diiradaysan oo ka go’an yeeleha muuqan ee falka oo kan danbe
qaadta shaqalka «-a» ee la mid ah siduu yahay amarka wadarta ah (eeg lawxa 3 iyo
lawxa 8); sidaas dartaydna tusaaleha «wuu jiifmay» ma la macne ah yeeleha
gadisan ee afka Carabiga
«نِيمَ» (niima) ee yeelehiisa faacilka ah «نَامَ» (naama) ee wuxuu la macne
yahay «أتى ه ألنَوْمُ »
«hurdaa u timid» ama «hurduu ku dhacay» ama «hurdaa qaadadtay», tusaale kale
waa «albaabku wuu furmay» ee falka magudbeha ah Infataxa «إنْفَتحَ ألبابُ»; ama yeeleha gadisan ee
afka Ingiriiska «he was asleep», «the door was open» ama afka Isbanyoolka «él fue
/ estuvo dormido», «la puerta fue / estuvo abierta» ee waxaa ka saxsan yeeleha
faacilka ee sidan «he fell aspleep», «the door opened» ama falka magac-u-yaalka ee Isbanyoolka ee codka dhaxe ah
«él se cayó dormido / se ha caído dormido» ama «él se quedó dormido / se ha
quedado dormido» ee la macne ah «hurduu ku dhacay» ama «hurdaa qaadadtay», «la
puerta se abrió».
Waxaa jira cod kale ee
magac-u-yaalka «is» sidta, codkuu yeeshana wuxuu ku xiran yahay tirada qof ee
uu falku leeyahay, tusaale ee tirada kali ah: «waxaan isku arkay maraayada»,
«iska jir!» labaduba waa cod «isyeele» ah; laakiin «waxay isku arakayn
dariiqa», «waxay iska jiraan ninka» labadanna waa cod «iswaydaarsi» ah; codka
isyeeleha iyo kan iswaydaarsiga waa cod «dhaxe» ah.
Lawxa 5
Jiriddaha [ah + (haw)] ku dibkaban
|
|||
Jiridda salka I
|
|||
Amarka
(Adiga)
|
Amarka
(Adinka / Idinka)
|
Jiridda
|
Codka
|
Jiifaw (Jiif + ahaw)
|
Jiifawba / Jiifawda
|
Jiifawb / Jiifawn; Jiifawd / Jiifawn
|
Naqosho
|
-
|
-
|
Jiifawbm (-an)
|
Naqosho Dhaxe ah
|
Jiridda korarka II
|
|||
Jiifawbi (-i)
|
Jiifawbiya / Jiifawbsha
|
Jiifawbis
|
Naqosho Sababe ah
|
-
|
-
|
Jiifawbism (-san)
|
Dhaxe
|
Jiifawbsii (-ii) (sii)
|
Jiifawbsiiya
|
Jiifawbsiis
|
Naqosho Sababe ah
|
-
|
-
|
Jiifawbsiism:
(-san)
|
Naqosho Dhaxe ah
|
Jiridda korarka III
|
|||
Jiifawbo
|
Jiifawbada / Jiifaabta
|
Jiifawbad / Jiifaabt
|
Naqosho Naftii-u-yeele ah
|
-
|
-
|
Jiifawbm
(-an) < (-on)
|
Dhaxe
|
Jiifawbso
|
Jiifawbsada
|
Jiifawbsad
|
Naqosho Naftii-u-yeele ah
|
-
|
-
|
Jiifawbsam
(-san) < (-son)
|
Naqosho Dhaxe ah
|
Lawxa 6
Jiriddaha [ah + (hay)] ku dibkaban
|
|||
I
|
|||
Amarka
(Adiga)
|
Amarka
(Adinka / Idinka)
|
Jiridda
|
Codka
|
Jiifay (Jiif + ahay)
|
Jiifeeya (< Jiifaya)
|
Jiifays
|
Dhabayn
|
-
|
-
|
Jiifaysm
(-san) < (-son)
|
Dhabayn Dhaxe ah
|
II
|
|||
Jiifaysii (-ii) (sii)
|
Jiifaysiiya
|
Jiifayaysiis
|
Dhabayn Sababe ah
|
-
|
-
|
Jiifaysiism
(-san) < (-son)
|
Dhabayn Dhaxe ah
|
III
|
|||
Jiifayso
|
Jiifaysada
|
Jiifaysad
|
Dhabayn Naftii-u-yeele ah
|
-
|
-
|
Jiifaysam
(-san) < (-son)
|
|
Jiifaysiso
|
Jiifaysisada
|
Jiifaysisad
|
Dhabayn Naftii-u-yeele ah
|
-
|
-
|
Jiifaysism
(-san) < (-son)
|
|
Jiifaysiiso
|
Jiifaysiista
|
Jiifaysiisad / Jiifaysiist
|
Dhabayn Naftii-u-yeele ah
|
-
|
-
|
Jiifaysiism:
(-san) < (-son)
|
Dhabayn Dhaxe ah
|
Codadka falalka «ah» ku
salaysan waxay u qaybsamaan labo: codka «haw» ee cod «dhaxe» ah siiya jiridda
falka, taas waa in yeeleha uu u maro ficilkiisa layeele-ahaan oo wuxuu yeeshaa
cod «naqosho» ah iyo codka falka «hay» ee uu siiyo jiridda falka inuu magacyada
iyo tilmaamaha u baddalo ficil ama u dhabeeyo ficil-ahaan, codkaasna waxaa lagu
magacaabaa cod «dhabayn» ah oo sababe ah. Dhawaaqa jiridda «hawd» wuxuu isku
baddali karaa «haad ama hood» sida «ahaad iyo ahood», dhawaaqa jiridda «hawn»
ee qofka 1aad wadarta ah oo naqoda masdarka falalkan wuxuu isku baddali karaa
«haan ama hoon»; dhawaaqa ee jiridda amarka ah iyo qofafka 1aad iyo 3aad labka
ah «hay», wuxuu isku baddalaa «heey» sida «aheey / aheeya» iyo «jiifeey /
jiifeeya». Magaca jiridda codka noqoshada waa jiridda qofka 1aad iyo qofka 3aad
«ahawdka / ahaadka / ahoodka»; magaca falka codka dhabaynta jiridda «s» sidadta
waa qofka labaad «ahayska / jiifayska». Gabogabays ahaan, wuxuu Soomaaligu
leeyahay labo cayn ee cod ah oo isku barbardhigan, waa codka faacilka ah
(active voice) iyo codka dhaxe (middle voice). Codka fal-korarka 1aad wuxuu isu
baddalaa dhabayn sababeha ah (II) (factitive); codka kale ee u barbardhigan faacilka
waa codka dhaxe (middle voice), codka dhaxe waxaa kaloo laga helaa fal-korarka
2aad (III) ee leh codka naftii-u-yeele ah (autobenefactive); afka Soomaaliga ma
qabo yeeleha gadisan (passive voice).
Isrogrogga
Lawxa 7
Diidmada habka amarka
|
|||
Jiridda amarka
|
|||
Madax
|
Amar
(Adiga)
+ in
|
Amar
(Adinka / Idinka)
+ ina
|
Jiridda / Masdarka falkaaliyeha
|
Ha
|
Jiifin (I B)
|
Jiifina
|
Jiif
|
Jiifmin (I T)
|
Jiifmina
|
Jiifm
|
|
Jiifinin (II B)
|
Jiifinina
|
Jiifin
|
|
Jiifsiinin (II T)
|
Jiifsiinina
|
Jiifsiin
|
|
Jiifanin (III B)
|
Jiifanina
|
Jiifan
|
|
Jiifsanin (III T)
|
Jiifsanina
|
Jiifsan
|
|
Jiridaha [ah + (hawn / hayn)] ku dibkaban
|
|||
Ha
|
Ahawnin / ahaanin (I)
|
Ahawnina / ahaanina
|
Ahawn
(ahaan / ahoon)
|
Ahaynin (II)
|
Ahaynina
|
Ahayn
|
|
Ha
|
Jiif + ahawn
Jiifawnin (Jiifoonin)
|
Jiifawnina
(Jiifoonina)
|
Jiifawn
(Jiifoon)
|
Jiif + ahayn
Jiifaynin
|
Jiifaynina
|
Jiifayn
|
Lawxa 8
Hab tabineed
|
|||
Weer madaxbanaan
|
|||
Muuqaal sacodto ah
|
|||
B
|
|||
M.yaal
|
Madax
|
M.yaal dhidban
(fal ah)
|
Fal
(-a; -o)
|
Aniga
|
Baa / Ayaa
Waxa
Waxaa
|
-
|
Jiifa / Jiifo
|
Adiga
|
-
|
Jiifta / Jiifto
|
|
Asaga / Isaga
|
-
|
Jiifa / Jiifo
|
|
Ayada / Iyada
|
-
|
Jiifta / Jiifto
|
|
Anaga / Inaga
|
-
|
Jiifna / Jiifno
|
|
T
|
|||
M.yaal
|
Madax
|
M.yaal dhidban
|
(-aa; -o; -i)
|
Aniga
|
Baa / Ayaa
Waxa
Waxaa
|
aan
|
Jiifaa / Jiifo
|
Adiga
|
aad
|
Jiiftaa / Jiifto / Jiiftid
|
|
Asaga / Isaga
|
ay
|
Jiiftaa / Jiifto
|
|
Ayada / Iyada
|
uu / la
|
Jiifaa / Jiifo
|
|
Anaga / Inaga
|
aynu / aan
|
Jiifnaa / Jiifno
|
|
Adinka / Idinka
|
aydu / aad
|
Jiiftaan / Jiiftiin
|
|
Ayaga /
|
ay
|
Jiifaan
|
|
Magaca falka
|
Magaca yeeleha
|
Masdarka falkaaliyeha
|
Masdarka hoosjoogga
|
Jiif [Jiifka]
|
Jiife
[Jiifeha] / Jiifto [Jiiftada]
|
Jiifi
|
Jiifid [Jiifidda]
|
Qaybta hore (B) waa weer hulan
(cleft sentence), oo ka dhaca qura weerta diiradiyeyaasha madaxa u ah, taas waa
inay diiradiyeyaasha diiradinaya yeeleha ay kala hulaan (ay kala go’shaan) yeeleha
diiradaysan ee ah yeele dahsoon (agent) iyo falkiisa; falalkan ma qabaan wax wadar
ah ee waa tiro kali uun ah, wuxuuna falka qaadtaa had iyo jeer jinsiga labka ah.
Shaqalka falka ku dibkaban ee matala muuqaalka sacodtada ah iyo habka tabineed wuxuu
naqodaa «-a» oo ah yeeleha ka go’an ama ka hulan yeeleha dahsoon ee mawduuca (yeeleha
diiradaysan), ama «-o» oo ah yeeleha ku diiradaysan layeeleha (ama ku saabsan
layeeleha). Qaybta danbe (T), goorta weerta diiradiyeyaashiisu ay ku
diiradaysan yahiin layeeleha, waxay keentaa in magac-u-yaalka yeeleha dhidban
loo adeegsado yeele ahaan, sidaasna falka wuxuu kali kali ugu aadan yahay
yeeleha magac-u-yaalka ah, ha naqodto jinsi ahaan ama tiro ahaan; shaqalada ku
dibkaban falka ee matala muuqaalka sacodtada ah iyo habka tabineed, waxay
qaadtaan «-aa» oo ah yeeleha falka (ee raacsan ama la jira yeeleha dahsoon) ama
yeeleha magac-u-yaalka falka raacsan, «-o» ee ah yeeleha ku diiradaysan
layeeleha, «-i» oo ah yeeleha ficilka ku diiradaysan oo qaadta qofka labaad
qura ee kali iyo wadar.
Lawxa 9
Hab tabineed
|
||
Weer madaxbanaan iyo weer hoosjoog ah
|
||
Muuqaal sacodta ah
|
||
M.yaal
|
M.yaal dhidban (fal ah)
|
Fal
|
Aniga
|
aan
|
Jiifay
|
Adiga
|
aad
|
Jiiftay
|
Asaga / Isaga
|
uu / la
|
Jiifay
|
Ayada / Iyada
|
ay
|
Jiiftay
|
Anaga / Inaga
|
aynu / aan
|
Jiifnay
|
Adinka / Idinka
|
aydu / aad
|
Jiiftayn
|
Ayaga / Iyaga
|
ay
|
Jiifayn
|
Lawxa 9, wuxuu ku wada
matalaa weeraha kala duwan ee muuqaalka gabogabaysan wada hal «-ay» ee aminka
tagtada ah.
Lawxa 10
Diidmada hab tabineed
|
|||
Weer madaxbanaan iyo weer hoosjoog ah
|
|||
Muuqaal sacodto ah
|
|||
M.yaal
|
Madax
|
M.yaal dhidban
(fal ah)
|
Fal
(-o; -i)
|
Aniga
|
Ma
|
aan
|
Jiifo / Jiifi
|
Adiga
|
aad
|
Jiifto / Jiiftid
|
|
Asaga / Isaga
|
uu / la
|
Jiifo
|
|
Ayada / Iyada
|
ay
|
Jiifto
|
|
Anaga / Inaga
|
aynu / aan
|
Jiifno
|
|
Adinka / Idinka
|
aydu / aad
|
Jiiftaan / Jiiftiin
|
|
Ayaga / Iyaga
|
ay
|
Jiifaan
|
|
Muuqaal gabogabaysan ah
|
|||
Aniga
|
Ma
|
aananin
|
Jiifin
|
Adiga
|
aadanin
|
Jiifin
|
|
Asaga / Isaga
|
uunanin / uusanin
|
Jiifin
|
|
Ayada / Iyada
|
ayanin /
aynanin
|
Jiifin
|
|
Anaga / Inaga
|
aynunanin / aanunanin
|
Jiifin
|
|
Adinka / Idanka
|
aydunanin
|
Jiifin
|
|
Ayaga / Iyaga
|
ayanin / aynanin
|
Jiifin
|
Madaxa weerta diidmada,
aminkuu yahayba, waa «ma», oo tilmaama habka tabineed ee diidmada. Falka
sacodtada ah ee weerta diidmada waxa uu kaga duwan yahay falka sacodtada ah ee
weerta tabineed waa in shaqalada falka weerta diidmada qaadto ay yahiin «-o» oo
falalka tirada kaliga ah qaadta iyo «-i» oo sida weerta tabineed ay falalka
tirada labaad qaadtaan laakiin waxaa u dheer weerta diidmada inuu qofka 1aad
isagana «-i» qaadto. Falalka muuqaalka gabogabaysan ee tagtada ah, waxay dhamaan
ku wada dhamaadaan «-in». Goorta magaca ama m.yaalka uu yahay layeele, waxaa la
adeegsadaa m.yaalka dhidban ee yeeleha falka. Hadduu falka yahay falka salka
ah, waxaa la adeegsadaa jiridda qofka 1aad iyo qofka 3aad labka ah oo la raaciyo
«-in», hadduu yahay falka korarka, waxaa la adeegsadaa masdarka falkaaliyeha oo
la raaciyo «-in». M.yaalka
diidmada ee «aan» waa doorasho, waxaa la hor dhigi karaa m.yaalka dhidban ee
falka: «ma aanaananin jiifin, ma aanaadanin jiifin, ma aanaynanin jiifin» oo
loo soo gaabin karaa «ma aanaan jiifin, ma aanaad jiifin, ma aanay jiifin» ama
waa la dib dhigi karaa: «ma aanaananin jiifin, ma aadaananin jiifin, ma
aynaananin jiifin».
Lawxa 11
Weerta tixraaca
|
|||
Habka tabineed
|
|||
Muuqaalka sacodtada ah
|
|||
Magac / M.yaal
|
Madax
|
M.yaal dhidban
(fal ah)
|
Fal
(-a; -aa; -o; -i)
|
Magac / Aniga
|
(oo / ee)
|
-
|
Jiifa / Jiifaa / Jiifo
|
Magac / Adiga
|
-
|
Jiifta / Jiiftaa / Jiifto / Jiiftid
|
|
Magac / Asaga / Isaga
|
-
|
Jiifa / Jiifaa / Jiifo
|
|
Magac / Ayada / Iyada
|
-
|
Jiifta / Jiiftaa / Jiifto
|
|
Magac / Anaga / Inaga
|
-
|
Jiifna / Jiifnaa / Jiifno
|
|
Magac / Adinka / Idinka
|
-
|
Jiiftaan / Jiiftiin
|
|
Magac / Ayaga / Iyaga
|
-
|
Jiifaan
|
|
Diidmada weerta tixraaceed (joogto iyo tagto)
|
|||
Magac / M.yaal
|
(oo / ee)
|
aananin
|
Jiifin
|
Diidmada diiradiyeha (joogto iyo tagto)
|
|||
Magac / M.yaal
|
Baa / Ayaa
Waxa
Waxaa
|
aananin
|
Jiifin
|
Weerta tixraaceed, madaxa ee
weerta waa magaca falku ka baxinayo faahfaahin; goorta magac-u-yaal la
adeegsado xiriiriyeha (oo / ee) wuxuu naqodaa waajib. Shaqalada falka waa «-a,
-aa, -o, -i». Goorta la adeegsado magac (qodab iyo qodab la’aanba) oo ah yeele
ama layeele, xiriiriyeyaasha (oo / ee) waajib ma ahaanin. Hadduu magaca ama
magac-u-yaalka yahay yeele, ma loo baahno adeegsashada magac-u-yaalka dhidban
ee yeeleha falka, laakiin hadduu yahay layeele magac-u-yaalka dhidban ee falka
waa waajib; sidaas oo kale waa diiradiyeha diidmada ee «baa / ayaa».
Lawxa 12
Isrogrogga
dirka II
|
||
Muuqaalka
sacodtada ah
|
||
M.yaalka
|
M.yaalka
dhidban (falka)
|
Fal
(-aa, -i, -o)
|
Aniga
|
aan
|
Jiifiyaa
/ Jiifshaa
|
Adiga
|
aad
|
Jiifisaa
/ Jiifisid
|
Asaga
/ Isaga
|
uu
|
Jiifiyaa
/ Jiifshaa
|
Ayada
/ Iyada
|
ay
|
Jiifisaa
|
Anaga
/ Inaga
|
aynu /
aan / aanu
|
Jiifinaa
|
Adinka
/ Idinka
|
aydu /
aad
|
Jiifisaan
/ Jiifisiin
|
Ayaga
/ Iyaga
|
ay
|
Jiifiyaan
/ Jiifshaan
|
Lawxa 13
Isrogrogga
dirka III
|
||
Muuqaalka
sacodtada
|
||
M.yaal
|
M.yaal
dhadban (fal)
|
Fal
(-aa, -o, -i)
|
Aniga
|
aan
|
Jiifadaa
/ Jiiftaa
|
Adiga
|
aad
|
Jiifadtaa
/ Jiifadtid
|
Asaga
/ Isaga
|
uu
|
Jiifadaa
/ Jiiftaa
|
Ayada
/ Iyada
|
ay
|
Jiifadtaa
|
Anaga
/ Inaga
|
aynu /
aan / aanu
|
Jiifanaa
|
Adinka
/ Idinka
|
aydu /
aad
|
Jiifadtaan
/ Jiifadtiin
|
Ayaga
/ Iyaga
|
ay
|
Jiifadaan
/ Jiiftaan
|
Lawxa 14
Isrogrogga
dirka IJ
|
||
Muuqaalka
sacodtada
|
||
M.yaal
|
M.yaal
dhidban (fal)
|
Fal
|
Aniga
|
aan
|
Jiifmaa
|
Adiga
|
aad
|
Jiifantaa
/ Jiifantid
|
Asaga
/ Isaga
|
uu
|
Jiifmaa
|
Ayada
/ Iyada
|
ay
|
Jiifantaa
|
Anaga
/ Inaga
|
aynu /
aan / aanu
|
Jiifanaa
|
Adinka
/ Idinka
|
aydu /
aad
|
Jiifantaan
/ Jiifantiin
|
Ayaga
/ Iyaga
|
ay
|
Jiifmaan
|
Lawxa 15
Masdarada
|
||
Amar / Jirid
|
Masdarka falkaaliyeha
|
Masdarka hoosjoogga
|
I
|
||
Jiif (B)
|
Jiifi
|
Jiifid (da)
|
Jiifm (J)
|
Jiifmi
|
Jiifmid (da)
|
II
|
||
Jiifi (B)
|
Jiifin
|
Jiifin (ta)
|
Jiifismi (J)
|
Jiifismin
|
Jiifismin (ta)
|
Jiifisii (T)
|
Jiifsiin
|
Jiifsiin (ta)
|
Jiifisiismi (J)
|
Jiifisiismin
|
Jiifisiismin (ta)
|
III
|
||
Jiifo (B)
|
Jiifan
|
Jiifasho (da)
|
Jiifman (J)
|
Jiifman
|
Jiifmasho (da)
|
Jiifiso (T)
|
Jifisan
|
Jiifisasho (da)
|
Jiifisan (J)
|
Jiifisman
|
Jiifismasho (da)
|
Jiifso (T)
|
Jiifsan
|
Jiifsasho (da)
|
Jiifsan (J)
|
Jiifsaman
|
Jiifsamasho (da)
|
Masdarka falkaaliyeha ee
falalka salka (I), wuxuu ku salaysan yahay jiridda salka ee qofka 1aad iyo
qofka 3aad oo raacsan «i», tusaale: «jiif + i», masdarka falkaaliyeha ee
fal-korarka 1aad (II) wuxuu ku salaysan yahay isla jiridda korarka ee qofka
1aad wadarta ah, masdarka falkaaliyeha ee fal-korarka 2aad (III) wuxuu ku
salaysan yahay isla jiriddaas ee qofka 1aad wadarta ah. Masdarka hoosjoogga
salka (I), wuxuu ku salaysan yahay qofka 2aad ee jiridda sababeha ah, kan
fal-korarka 2aadna (II) wuxuu ku salaysan yahay qofka 1aad wadarta ah ee isla
jiriddaas, kan codka naftii-u-yeeleha lehna (III) wuxuu ku salaysan yahay qofka
1aad iyo 3aad labka ah ee jiridda sababeha ee dhawaaqa (-iy = sh) leh ee
raacsan «o».
Lawxa 16
Falka «ah»
|
||
M.yaal
|
Muuqaal
|
|
Sacodto
|
Gabogabaysan
|
|
Amin
|
||
Joogto
|
Tagto
|
|
Kali: Ah + (HaHW)
Ah +
(HayW)
|
Kali: Ah + [(HaaHW) / (HaHW)]
|
|
aan
|
Ahay (ahhayø)
|
Ahaa (ahhaa)
|
aad
|
Tahay (ahhayt)
|
Ahayd (ahhayd)
|
uu / la
|
Yahay (ahhayy)
|
Ahaa (ahhaa)
|
ay
|
Tahay (ahhayt)
|
Ahayd (ahhayd)
|
aynu / aan
|
Nahay (ahhayn)
|
Ahayn (ahhayn)
|
Wadar:
Ah +
(HaaHW)
Ah +
(HiinW)
|
Wadar:
Ah +
[(HaaHW) / (HaHW)] + HaHW
|
|
aydu / aad
|
Tahiin (ahhiint)
|
Ahaydayn (ahhaydayn)
|
ay
|
Yahiin (ahhiiny)
|
Ahaayayn (ahhaayayan)
|
Lawxa 17
Falka «hay»
|
||
M.yaal
|
Muuqaal
|
|
Sacodto (-a, -aa, -o, -i)
|
Gabogabaysan (-ay)
|
|
Amin
|
||
Joogto
|
Tagto
|
|
Kali
|
||
[HaHW = HayW]
|
[Haa(HW)] / [HaHW ]
|
|
Aniga
|
Hay
|
Hayay
|
Adiga
|
Hays / Hayd
|
Haysay / Hayday
|
Asaga / Isaga
|
Hay
|
Hayay
|
Anaga / Inaga
|
Hayn
|
Haynay
|
Wadar
|
||
[HaHW + (H)aa(H)W]
|
[Haa(HW) + (H)aHW] / [HaHW + (H)aHW]
|
|
Adinka / Idinka
|
Haysaan / Haydaan
|
Haydayn
|
Ayaga / Iyaga
|
Hayaan
|
Haayayn
|
Falalka
isrorogga sida falka «hay» leh, waxaa ka mid ah: day (dayid), fay (fayid),
daay (daayid), laay (laayid).
|
Lawxa 18
Ir-
|
||||
M.yaal
|
Muuqaal
|
|||
Yeeleha mawduuca
|
Yeeleha dhidban
|
Sacodto
|
Sacodto / gabogabaysan
|
|
Tiro: Kali
|
Tiro: kali / wadar
|
|||
Jirid
1a
[ir +
Haa(HW)]
|
Jirid
2
[ir +
HaaHW]
Iraahd:
qofaf falka oo dhan. Iraahn: (wadarta qofka 1aad kaliya)
|
|||
(-a, -aa, -o, -i) / (-ay)
|
||||
Aniga
|
aan
|
Iraa
|
Iraahd
|
|
Adiga
|
aad
|
Tiraa
|
Tiraahd
|
|
Asaga / Isaga
|
uu / la
|
Yiraa
|
Yiraahd
|
|
Ayada / Iyada
|
ay
|
Tiraa
|
Tiraahd
|
|
Anaga / Inaga
|
aynu / aan
|
Niraa
|
Niraahn
|
|
Muuqaal gabogabaysan
|
||||
Tiro:
kali
|
||||
Jirid
1a
[ir +
Haa(HW)]
|
||||
Aniga
|
aan
|
Iri
|
||
Adiga
|
aad
|
Tiri
|
||
Asaga / Isaga
|
uu / la
|
Yiri
|
||
Ayada / Iyada
|
ay
|
Tiri
|
||
Anaga / Inaga
|
aynu / aan
|
Niri
|
||
Ir-
|
||||
Masdarada hoosjoogga
[Ir +
HaaH(W)] / [Ir +HaaHW]
|
||||
Iraahid
/Iraahin / [ Iraahasho / Iraahsasho]
|
||||
Or-
|
||||
Masdarka
Falkaaliyeha
[Or +
Ha(H)W]
|
Magaca
Falka
Or +
[HaH(W)] / [HaaH(W)]
|
|||
Oran
|
Orah / Oraah
|
|||
Lawxa 19
Im-
|
|||
Amar
|
|||
Imaw
[Im + (HaHW)] = [im + (H)aW(W)]
|
|||
Muuqaal
|
|||
Yeeleha
mawduuca
|
Yeeleha dhidban
|
Sacodto / gabogabaysan
|
Gabogabaysan
|
Tiro: kali / wadar
|
Tiro: kali
|
||
Jirid 1
[Im + HaHW] = [Im + (H)aWD] / [Im + (H)aWN]
|
Jirid 2
[Im + HaHW] = [Im + (H)i(H)D]
|
||
(-a, -aa, -o, -i) (-ay)
|
|||
Aniga
|
aan
|
Imawd / Imaad
|
Imid
|
Adiga
|
aad
|
Timawd(t) / Timaad(t)
|
Timid
|
Asaga / Isaga
|
uu / la
|
Yimawd / Yimaad
|
Yimid
|
Ayada / Iyada
|
ay
|
Timawd(t) / Timaad(t)
|
Timid
|
Anaga / Inaga
|
aynu / aan
|
Nimawn / Nimaan
(Nimawdn / Nimaadn)
|
Nimid
|
Lawxa 20
Awl (aal / ool)
|
|||
Muuqaal sacodtada ah
|
|||
Yeeleha mawduuca
|
Fal
(-a, -o, -ø)
|
Yeeleha dhidban ee falka
|
Fal
(-aa, -o, -i, -ø)
|
Tiro: kali
|
Tiro: kali / wadar
|
||
Aniga
|
Aala / Aal
|
aan
|
Aalaa / Aalo / Aal
|
Adiga
|
Taala / Taasha / Taalo / Taasho / Taal
|
aad
|
Taalaa
/ Taashaa / Taalo / Taasho / Taalid / Taashid / Taal
|
Asaga / Isaga
|
Yaala / Yaal
|
uu / la
|
Yaalaa
/ Yaalo / Yaal
|
Ayada / Iyada
|
Taala / Taasha / Taalo / Taasho / Taal
|
ay
|
Taalaa
/ Taashaa / Taalo / Taasho / Taal
|
Anaga / Inaga
|
Naala / Naal
|
aynu / aan
|
Naalaa
/ Naalnaa / Naal
|
aydu / aad
|
Taashaan / Taashiin
|
||
Ayaga / ay
|
Yaalaan / Yaaliin
|
||
Falka «Aqawn» (aqaan / yaqaan) wuxuu
isrogroggiisa la mid yahay falka «Awl» (aal / yaal).
|
Lawxa 21
Awl (aal / ool) / Ayl (iil)
|
|||
Muuqaal gabogabaysan ah
|
|||
Awl
(aal / ool) (-ay)
|
Ayl
(iil) (-ø; -ay)
|
||
M.yaal
|
Fal
|
M.yaal
|
Fal
|
Aniga / aan
|
Aalay
|
Aniga / aan
|
Iil /
Iilay
|
Adiga / aad
|
Taalay / Taashay
|
Adiga / aad
|
Tiil /
Tiilay / Tiishay
|
Asaga / Isaga / uu
|
Yaalay
|
Asaga / Isaga / uu
|
Yiil /
Yiilay
|
Ayada / Iyada / ay
|
Taalay / Taashay
|
Ayada / Iyada / ay
|
Tiil /
Tiilay / Tiishay
|
Anaga / Inaga / aynu / aan
|
Naalay /
Naalnay
|
Anaga / Inaga / aynu / aan
|
Niil /
Niilay / Niilnay
|
Muuqaalka
sacodtada ah ee: (aal / yaal) iyo muuqaalka gabogabaysan ee: (iil / yiil),
muuqaalka wuxuu ku yaalaa falka gudahiisa, dartaasina uma baahno dibkabka
muuqaalka ee naqoda: (-ø). Taalt = Taash
|
Habka idanka
Hababkaynu kor ku soo
sheegnay waa habka amarka iyo tabinta, waxaa jira ee kale habka idanka ee ah
hab amar dadban ee iskiisa u taagan, ee qof dahsoon hoosjoog u ah ee uu yeelehu
ee qofka 1aad (kali / wadar) idanka waydiisto, qofka labaad (kali / wadar) waa qofka
la siiyo idanka, kan qofka 3aadna (kali iyo wadar) qofka idanka la siinayo waa
qof 3aad ee qofka lala hadlayo lagu siinayo. Adeegsashada labaad waa xiisaynta
qabashada ficilka iyo isdhiiragalinta ama isudhiiragalinta qabashada ficilkaas
ee qofafka 1aad (kali / wadar). Qofka 1aad (kali / wadar) iyo qofka 3aad (kali
/ wadar) waxaa loo adeegsan karaa isagoonan baddalmin naxwe-ahaan iyo
macne-ahaan ee uu qofku sida rabitaankiisa ah sheega «Ilaah ha caafimaadsho»,
«aynu guulaysano!», sinnaba ma u aho falkan habka dhacidda dooran ama habka doorka
(optative) ee had iyo jeerse waa habka idanka (jussive).
Lawxa 22
Habka Idanka
|
|
Muuqaalka sacodtada qura
|
|
Magac-u-yaalka dhidban ee yeeleha
|
Falka (-aa; -o; -i)
|
aan
|
Jiifaa / Jiifo
|
aad
|
Jiiftaa / Jiifto / Jiiftid
|
ha
|
Jiifaa / Jiifo
|
ha
|
Jiiftaa / Jiifto
|
aynu / aan
|
Jiifnaa / Jiifno
|
aydu / aad
|
Jiiftaan / Jiiftiin
|
ha
|
Jiifaan
|
Lawxa 23
Diidmada Habka Idanka
|
||
Muuqaalka sacodtada qura
|
||
Madaxa
|
Magac-u-yaalka dhidban
|
Falka
|
Yaa
|
aananin
|
Jiifin
|
aadanin
|
Jiifin
|
|
uunanin / uusanin
|
Jiifin
|
|
aynanin / ayananin / aysanin
|
Jiifin
|
|
aynunanin / aynanin / aananin
|
Jiifin
|
|
aydunanin / aydananin / aadanin
|
Jiifin
|
|
aynanin / ayananin / aysanin
|
Jiifin
|
Soomaaliga
waa salka
Afku waa
dhismo xeer ah, sida xeer walbana, afku wuxuu leeyahay hab ama si uu ku muujiyo
salka xeerkaas. Xeerkaasna wuxuu ku salaysan yahay sadex shibane sal ah iyo
shaqal: «H», «Y» iyo «W», iyo shaqalka gaaban «a» ama dheer «aa». Sidaasna,
xeerku wuxuu yahay «HaHW / HaaHW», kan shaqalka dheer wuxuu ku dhisan yahay kan
shaqalka gaaban «Ha - aHW» ee falka «ah» si cad looga arki karo, «Ha(H)W» waa
amarka falka «ah» raaca «ah + haw», hadduu «y» ka soo baxo «h»da ee falka «ah» ee
«HaHW» wuxuu naqodaa falka «Hay(W)» ee raaca falka ah «ah + (h)ay» ama loo
dhahi karo «ah(h)eey», labadan amar waxay falka «ah» ee xaaladeed (stative) ka
dhigaan fal ficileed (dynamic), «ah + hay(w)» «w»da waa qofka falka oo falalka
horkabka ah «øahay», inkastoo loo aqriyo qofka hor-ahaan jirid-ahaanse qofka
waa dibkab «ahhayø» sida falka «hayW» u tilmaamo, kuwa dibkabka ahna waxaa loo
aqriyaa dibkabkiisa «ahhawd» ee «ah + HaHW = HaWT= ahhawd» ee qofka 1aad iyo
sadexaad ee labka «waan ahhawdaa» ama qofka 2aad iyo sadexaad ee dhadigga ah
«ahhays», «way ahhaysaa»;
Lawxa 24
Xeerka Afka
|
||||
HaHW /
HaaHW
|
||||
HaH / HaaH
|
W
|
|||
Amar
|
Qof
(Jiridda)
|
|||
Naf
(Caalam)
|
Laf
(Udubdhaxaad)
|
|||
Muuqaal
|
||||
Ha / Haa
|
aH
|
|||
Sacodto
|
Gabogabaysan
|
|||
Amin
|
||||
Joogto
|
Tagto
|
|||
Kali
[Ha(H)W / Haa]
|
Wadar
[Haa(H)W]
|
Kali (aH)
|
Wadar (aHW)
|
|
-a; -aa;
-o; -id
|
-aan;
-tiin; -iin
|
-ay
|
-ayn
|
|
Cod
|
||||
Ficil (Ha)
|
Jirid (W)
|
|||
Cod Dhaxe
|
Cod Dhaxe
|
|||
Sababe
|
Naftii-u-yeele;
Isuyeele
(Dheefe) /
Naqosho
|
Sababe
|
Naftii-u-yeele / Naqosho
|
Cod Dhaxe
|
-í; -íi;
-síi
|
-ó / -àw
|
-ís; -íis;
-síis
|
-ód; -ón /
-àwd(-àwb); -àwn
|
-án; -ám
|
«Ha»da waxay matashaa aminka joogtada / muuqaalka sacodtada iyo ficilnimada
ama amarka falka «ahhays + Ho(HW) = ahhayso» oo naqoda jiridda falka ee qofka
1aad iyo 3aad labka: «ahhays + Ho(H)T = ahhaysad» ama qofka 1aad wadarta ah:
«ahhays + (H)o(H)N = ahhaysanaa» ee codka naftii-u-yeeleha ah, ama qofka labaad
iyo qofka 3aad dhadigga «ahhays + (H)o(H)T + (HaH)T = ahhaysadt» iyo muuqaalka
sacodtada ah (imperfective aspect) iyo tirada: «ahhays + (H)o(H)T + (H)aa(H)N =
ahhaystaan»; meesha «aH»da ay matasho falka xaaladeed ama muuqaalka gabogabaysan
(perfective aspect): «ahhays + (H)o(H)T + (H)aY(W) = ahhaysaday / ahhaystay» oo
qofka 1aad iyo 3aad labka ah, «ahhays + (H)o(H)T +(H)aYN = ahhaysadayn /
ahhaystayn»; ma aho dhismaha inuu naqodo mucaqqad sida qurabka dhamaystireha ah
«(H)i(H)N = in»; qodabka (-ha) wuxuu sal u yahay qodabada kale «Ha(HW)» wuxuu
naqodaa qodabka labka ah «Ka(HW)» iyo qodabka dhadigga ah «Ta(HW)» oo
magac-u-yaalada «Ku(H)W + Ho(HW) = kuwo», «Ku(H)W + Ha(HW) = kuwa»; iyo
magac-u-yaalka sadexaad ee habka idaneed (jussive mode / modus) «Ha(HW)».
Xeerkan waxaa laga samayn karaa falka (jirid + isrogrog), magaca, tilmaanta
(sifada), falkaabka, qurabka; waa xeerka ee afka oo dhan uu ku dhisan yahay.
Afafka Kuushka ah ee nala wadaaga qaababka jiridda falka, sida Oromada ama
Cafarta (Kuushka Bariga ee ah afka ugu kaydsi badan), xattaa kuwa Soomaaliga u dhaw sida Rendiile oo leh
falka «ah» isrogroggiisa kaliya waxaa ka maqan sida falalka iyo magacyada
Soomaaliga ay yahiin, oo dhamaan siday isula falgalaan tilmaama falka iyo
weerta xeerka ay ku salaysan yahiin «HaHW / HaaHW» ee falalka «ah», «hay» iyo
«haw» ah (inkastoo kan danbe uusan ahaynin fal iskiisa u taagan) uu xeerkaas ku
salaysan yahay. Tan waxay cadaysaa in afka Soomaaliga uu yahay af kaydsaday
salkiisa, oo ahaynin kaliya sal ay ka soo burqadayn afafka Kuushka bal xattaa afafka Afro-Aasiyada oo dhan.
Afafka Kuushka
Afro-Aasiyada waa bah afaf ah oo ku kala fidsan Waqooyiga
Afrika, Bariga Afrika, Saaxil iyo Bariga Dhaxe; waxay u kala qaybmaan: Afafka
Kuushka, Afafka Omatiga, Afafka Saamiga, afafka Masaarida – iyo waxii ka soo
farcamay sida Afka Dimootikiga iyo Afka Kubtiga –, Afafka Amaaziigga (Afafka
Berberka) iyo Afafka Jaadiga.
Afafka Kuushka, waxay u kala qaybmaan afar koox wayn ah.
Koox walba waxay wadaagaan erayo u gaar ah iyo naxwe u gaar ah, sidoo kale dhamaan
waxay erayada u wada wadaagaan siday ugu dhaw yahiin asalkay ka soo farcamayn,
laakiin waxaa jira qaar erayo ah oo ay dhamaan wadaagaan, ka soo qaad erayga
(il / isha), Kuushka Dhaxe:afka Awngi (il / ill), afka Bilin (‘el / ‘il / ‘ayl
/ il), afka Khamir (il / el), afka Khamtanga (el), afka Kulisi (il); Kuushka
Bariga ee Dhulalka Sare: afka Sidaama (illee), afka Darasa (ille), afka Hadiyya
(illi), afka Alaba (ille), afka Burji (ille), afka Kambaata (ille); Kuushka
Koonfurta: afka Iraqw (ila), afka Alagwa (ila), afka Burunge (ila); Kuushka
Bariga ee Dhulalka Hoose: afka Oromo (ijá) waa dhawaaq ka soo jeeda (ilta =
isha) sida looga arki karo afkay isku bah yahiin ee ah afka Konso (ilta);
afafka Omo-Tana ee ka mid ah afafka Kuushka Bariga ee Dhulalka Hoose: afka
Bayso (il / ili), afka Dhaasanaq (iil), afka Arbore (kali: il / wadar: indhá),
afka Soomaaliga, kali: il (isha) / wadar: ilal (ilasha), ilo (ilaha); indhó
(indhaha).
Xagga kala horaynta magacyada, afafka Kuushka labay u
kala qaybmaan, Kuushka Dhaxe, Kuushka Bariga ee Dhulalka Sare, iyo Saaho iyo
Cafar (Kuushka Dhulalka Hoose) waxay u dhisan yahiin «faahfaahiyeha (modifier)
+ madaxa». Afafka Kuushka Bariga ee Dhulalka Hoose iyo afafka Kuushka koonfureed,
waxay u dhisan yahiin «madax + faahfaahiye», tifaftireha tirada Soomaaliga waa
afka kaliyay tiradu hormarto, sababtu waa inuu magaca tirada madax yahay (kan
la faahfaahinaya) oo magaca faahfaahiyeha ah uu yahay tilmaan (sagaal guri ah)
oo si haboon ah u raacsan xeerka (madax + faahfaahiye); afafka Kuushka
Koonfureedna, layeeleyaasha way ka hormari karaan falka ama way ka dib mari
karaan, weerta hoosjoogga way ka dibmartaa weerta madaxbanaan, afka Soomaaliga
inta ku dhidban madaxa weerta iyo falka waxay iskugu xigaan: yeele, layeele,
dibyaalo (postpositions), falkaabyo, kadibna falka; magacyada iyo
magac-u-yaalada madaxbanaan (ha ahaadaan, yeele ama layeele) waxaa laga heli
karaa horta madaxa weerta, inta u dhaxaysa madaxa iyo falka iyo falka
gadaashiisa; falka tixraaceed iyo falka hoosjoogga waa ka hormari karaan falka
aasaaska ama way ka dibmari karaan.
Xagga falka, afka Soomaaligay ku salaysan yahiin, kalkay
naqodto qofka falka waxay leeyahiin falal horkab ah (kali, 1: ø-; 2: t-; 3L:
y-; 3Dh: t-; 1W: n-) iyo falal dibkab ah (kali, 1: -ø; 2: -t; 3L: -ø; 3Dh: -t /
wadar, 1: -n; 3: -n), afafka Kuushka Koonfureed ma qabaan qofka horkabka,
dibkabkana waxaa ka soo haray qofka labaad iyo qofka 3aad dhadigga (-t, -id),
inkastay qaar si dhan u muujinin. Inta badan waxay qabaan muuqaalka sacodtada (imperfective
aspect) oo afafka Kuushka Bariga ee Dhulalka Hoose yahay shaqalkiisa inta badan
«-a» ee falka aasaaska, laakiin qaar ka mid ah afafka Omo-Tana sida afka
Rendiile iyo afafka Oramada la bah ah wuxuu falka tixraaceed iyo falka
hoosjoogga ku dhamaadaa «-o» oo ay qaar u baddalmayn «-u» iyo muuqaalka gabogabaysan
(perfective aspect) oo afafka Dhulalka Hoose yahay «-i» oo inta badan u
baddalmay «-e» goorta laga reebo lahjad ee afka Konso oo sida Soomaaliga ah
«-ay», labada muuqaal waxay ku kala aadan yahiin aminka joogtada iyo kan
tagtada, aminada iyo muuqaalada kale waxay kula sameeyaan falkaaliyeha. Codka
falka, sida Soomaaliga ee lagu cadeeyo amarka ma qabaan, waxay jiridda salka ku
daraan (-s, -is, -siis) ee xagga sababeha (causative), sababta (-s, -is) ee
afafka Kuushka ay u yahiin falal soo gudbiya yeele «gudbe» ah, meeshuuna
(-siis) soo gudbiyo yeele gudbe ah ama cod dhinac istaajiya yeeleha falkaas ee ka
dhiga sababeha ficilkaas (sababehan amarka falka baa looga dareemi karaa
Soomaaliga isagoo ah «yeeleha dahsoon» ee amarka baxiya) ee ku sababa yeele
kale inuu isla ficilkaas qabto «sababe labolaaban» (double causative), ama
«sababe sadexlaaban» (triple causative), waayo asalkiisa waa Soomaali ee uu ka
muuqdo amarka «-i» ee ah sababe khuseeya ficilkuu qabto, «-ii» (IIT) ama falka
«sii» (IIT) ee khuseeya yeele si toos ah ula falgali kara labo layeele «gudbe labolaaban»
(double transitive), goorta la garto inaynin afafka Kuushka codka ku sidanin
amarka, ee ay ku sidtaan «s»da ee qofka labaad Soomaaliga u ah sida «way
siisay» oo labadan «s» goortay jiridda falka raacsiiyaan «-siis» ay naqodto «sababe
labolaaban» ee ah inuu yeele kale qabto hawsha falka goortay jiridda falka ka timid
fal «gudbe» ah, ama «sababe sadexlaaban» ee yeeleha labaad uu ku sababo yeele
sadexaad inuu hawsha falka qabto waayo waa sidii isagoo yeeleha 1aad ee falka labadii
kale ee yeele uu ula dhaqmayo sidii iyagoo ahaa layeele; xagga codka
«naftii-u-yeele / isuyeele» ah ama «dheefeha» (autobenefactive) (siday
reergalbeedku ugu wacaan) waxay jiridda ku daraan (-at / -ad); codka dhaxe u ah
Soomaaliga wuxuu u yahay yeele gadisan (passive) oo ay (-am / -an) ku daraan
jiridda (afafka Cafar iyo Saaho, falalka horkabka qofka way ku horkabaan oona ku
dibkabaan; kuwa dibkabka qofkana way ku dibkabaan kaliya; sidaas oo kale waxaa
ah afka Badawiye ama Beja), ha ahaado codka jiridda amarkiisa ku salaysan
(lawxa 4) ama kan amarka jiridda «ah» ku salaysan (lawxa 5 & 6). Afafka
Kuushka Dhaxe codka naftii-u-yeeleha wuu ka lumay, waxayna leeyahiin falal
aanan aad u badnaynin oo sidta «-ad» waxayna u dhaqmaan sidii fal-xaaladeed
(stative verbs); afafka Kuushka Koonfureed codka dhaxe (middle voice) waa «-at,
-aat, -it, -iit» waxaa ka maqan codka naftii-u-yeeleha, waxayna u dhaqmaan ama sidii
fal-xaaladeed, ama sidii fal isyeele ah ama wax la xiriira jirka yeeleha falka,
codka «-im, -iim, -in» wuxuu u dhaqmaa sidii isagoo ah muuqaal dhaxsacodto ah.
Codadka dhaxe ee «t / d» iyo «n / m» ee kan hore uu asalkiisu
ku leeyahay amarka ee falka Soomaaliga sida «ah + haw = ahhaw» iyo «yeelo»
ee kala qaadta jiridaha ku kala aadan «ahhawd» ee qofka 1aad iyo 3aad
labka ah iyo «ahhawn» ee qofka 1aad wadarta ah iyo masdarka
falkaaliyeha, iyo «yeelad» (IIIB) qofka 1aad iyo qofka 3aad labka ee
yeeleha iyo «yeelan» (ee afka Soomaaliga kaliya looga aqoonsan karo si
gaar ah ee ka yimid «-on») ee waa qofka 1aad wadarta ah iyo masdarka
falkaaliyeha, kan labaadna ee matala cod ficilkiisu gabogabaysan yahay ama
dhamaystiran ee dir walba «n»da ee «-an / -san» ee tilmaanta falka ah oo
goortuu falgalo «m» naqodo ee jiridda qofka 1aad iyo 3aad ee labka ah, ama ku
hara «n» ee qofka 1aad wadarta ah; waxa lagu arko Soomaaliga waa inay yahiin
cod dhaxe iyo siday u yahiin codkaas. Waayo, Soomaaliga waa asalka ee afafka
Afro-Aasiyada, taas waa inay garashada Afro-Aasiyada laga heli karaa kaliya halkuu
asalkiisu yahay, tusaale ahaan «t»da afafka Amaaziigga wuxuu u yahay cod «yeele
gadisan» (passive), afafka Saamiga wuxuu u yahay cod «isyeele» ah (reflexive),
cod «iswaydaarsi» ah (reciprocal) iyo
cod «yeele gadisan» ah (passive) inta kale ee aanan codkan danbe ka ahaynin waa
cod dhaxe; «n / m»da wuxuu afafka Amaaziigga u yahay cod «isyeele» ah, cod
«iswaydaarsi» ah iyo cod «yeele gadisan» ah, afafka Saamiga wuxuu u yahay cod
«isyeele» ah iyo cod «yeele gadisan» ah, afafka Kuushka ahna waa afka
Badawiyeha (Beja) ee ah afka kaliya ee Kuushka Waqooyiga ah, ahna kan ku
muujiya «n / m» labo cod, mid «isyeele» ah iyo mid «yeele gadisan» ah, xattaa
haddii codka «isyeele» ah uu dibdanbe u yeeshay waa cod uu ku sidto «n / m»
dhaxal-ahaan hadduunan ka dheeraanin asalkiisa; goorta la doono in la garto
sababtay «t» iyo «n / m» ay u yahiin «yeele gadisan» waxaa laga soo garan karaa
kaliya goorta la eego asalkay ka soo farcamayn ee Soomaaliyeed ee ah inuu yahay
codka dhaxe ee asalkiisa kan u ogalaada naqoshada codka yeele gadisan.
Habka falka (mode), waa habka falku u dhaqmo si uu u soo
gudubsho sida hadlehu ka dareensan yahay hadalkaasi. Habka falka – aanan
ahaynin habka tabinta (indicative) – ee Afro-Aasiyada wuxuu la xiriiraa
muuqaalka falka (aspect), waayo muuqaalka falka asal-ahaan waa labo: muuqaal
sacodto ah (imperfective) iyo muuqaal gabogabaysan (perfective); habka falka ee
Afro-Aasiyada waa inuu ku baxaa muuqaalka sacodtada ee aminka joogtada
(timaadtada iyo dhaxsacodtada, ma u banaano) waayo habka falka ficilkiisu waa
mid sacoda oo aanan wali la qabanin, waana muuqaalka sacodtada ah meeshay ka
jirto yeele kala duwan (dibkab shaqalo kala duwan ah ee ah yeele matala hawlo
kala duwan) ee u ogalaada falka habab kala duwan, marka habka ma ku baxi karo
muuqaalka gabogabaysan, goorta laga reebo habka shardiga ee waxa madaxa u ah uu
weerta ku tilmaamo shardi ahaan, sababtu waa inuu habka shardiga gundhiggiisu
yahay weerta hoosjoogga ee uunan u ahaynin weerta madaxbanaan. Afafka
Afro-Aasiyada waxay qabaan hababka ah: amarka, idanka (jussive), tabinta
(indicative), dhacidda dhiman (habka dhacidda falkiisu ay wali dhiman tahay, ama wali uunan dhacin) (subjunctive). Afafka Kuushka Bariga ee Dhulalka
Hoose weerta madaxbanaan falka wuxuu ku dhamaadaa «-a», weerta dhimanna
(tixraaca iyo hoosjoogga) iyo weerta habka idanka falku wuxuu ku dhamaadaa «-o»
ee ay inta badan isku baddashay «-u», iska soo horjeedkan ma u ogalaado inuu
hab ka duwan tabinta ka dhax abuurmo weerta dhiman; afafka Saaho / Cafar ee
Kuushka Bariga ee Dhulalka Hoose ka mid ah iyo afafka Kuushka Koonfureed iska
soo horjeedkaasi ma ka jiro, afafka Saaho / Cafar falka madaxbanaan wuxuu ku
dhamaadaa «-a» waana isla sidaa falka dhiman, sidoo kale inkastay ka dhumayn
afafka Kuushka Koonfureed shaqalada falalka ku dhamaada, haddana waxay ku
qabayn falka madaxbanaan shaqalka «-a», falka dhiman ma la hubo; muhiimku waa
inay labadan af ka abuurmayn habka dhacid dhiman (subjunctive), wuxuuna ka soo
abuurmay habka idanka (jussive) oo afafka Saaho / Cafar ay ku muujiyaan inay
hababka ka dhax abuurmay sida habka dhacid dhiman, ee sida habka idanka uu
iskiisa u taagan yahay, ee sidta shaqalka «-o» ama «-u» hadba lahjadday tahay, laakiin
waa hab rabitaanka qofka soo gudbiya sidaas dartaydna waa habka dhacidda dooran
ama habka doorka (optative), laakiin habka dhacidda dhiman (subjunctive) wuxuu
ka soo baxaa falka weerta hoosjoogga ee falalka weerta madaxbanaan qaarkawda
raaca sida «effer (fashalmid), duud (wax karid), waa (waayid) ee loogu
adeegsado habka dhacid dhiman sida falkaaliyeha (rabid), eedheg (ogaansho) ee
loogu adeegsado habka dhacidda dhiman, tusaale: waan ogahay sidaad u samaysid» iyo
habka talada (consultative) ee ku dhamaada «-oô» sida «dooroô (maan doortaa? /
muu doortaa?; doornoô (maynu dooranaa?); baritoô (maan bartaa? / muu bartaa?»,
balse habkay hababkan ka soo abuurmayn dibdanbe ma ugu dhamaado «-o» ama «-u»
ee wuxuu ku dhamaadaa «-ay»; afafka Kuushka Koonfureedna waxay ku muujiyaan
inkastuu ka dhumay shaqalka ee dhamaadka falka, habka tabinta (indicative)
wuxuu leeyahay habdhac ee cod kacan ama sare (high tone), habka dhacidda dhiman
wuxuu leeyahay habdhac ee cod dagan (low tone) waxaana falka hor-raacsan falka
«ah» ee weerta hoosjoogga loo adeegsado, haddii si kale loo yiraahdo waa habka
idanka oo isku baddalay habka dhacid dhiman ee wali habka idan-ahaan loo
adeegsado, laakiin waxaa kaloo lagu adeegsadaa weerta tixraaca (relative),
sidii isagoo u jawaabaya su’aal hoosaas ah, xattaa goorta su’aasha la soo
jeedinayo, waxaa kaloo loo adeegsadaa weerta hoosjoogga goortay hoosjoogaan
falalka «rabid / doonid, cabsasho, filasho, rajayn, hubid la’aan». Afka Soomaaliga
ma qabo waxaanan ka ahaynin habka amarka, habka idanka (jussive) iyo habka
tabinta – ma ka jiro afka Soomaaliga habka kariinka (potential) – sida afafka
Omo-Tana iyo kuwa Oromada ah, iyo xattaa afaf badan ee Kuushka waa sida
Soomaaliga sida afafka Kuushka dhaxe iyo qaarka afafka ee Kuushka Bariga ee Dhulalka Sare sida afka Sidaama laakiin
qaar ee kuwan baa habab aanan wax tusmo ah aanan ka arkin qaba sida afka
Kambaata ee qaba habka (preventive) laakiin hababka kale waa amarka iyo idanka.
No hay comentarios:
Publicar un comentario