Afka waa hanaan naxwe ah ay leeyahiin koox dad ah, ee ah
wacyiga guud ee dadkaas ee ay dunida ku hareeran kula dhaqan galaan; haddaba,
afka Soomaaliga wuxuu ka mid yahay afafkay reergalbeedka ugu wacayn Omo-Tana-ha
Bariga ee Kuushka Bariga ee Dhulalka Hoose. Afka waa kawn cayiman (definite) ee
wada hal ah ee la garan karo, wuxuu ka kooban yahay qayb cayiman ee gundhig ah
(nucleus) iyo qayb kale ee faahfaahsheha gundhigga ah (modifier); qaybta
gundhigga ah waa «magaca» ee u kala sii qaybsama «magac», «tilmaan», iyo
«falkaab», qaybta «faahfaahsheha» ah waa «qurubka» ee u kala sii qaybsama qayb
«xiriiriye» ah iyo qayb faahfaashe ah, ha ahaado mid ka kooban «xarfo» iyo mid
ka kooban «sumadaha shaqalada» ee magaca iyo falka, qaybta sadexaadna waa
«falka» ee faahfaasheha magaca ah ee khabar ah. Naxweha wuxuu ka kooban yahay
qaabka (morphology) ee erayada qaamuuskiisa iyo xiriirinta baaqa, macneha iyo
dhawaaqyada silsileed ee erayadiisa ee loo yaqaano weerayn (syntax).
Qaabka
Qaabka salka
(morpheme) wuxuu ka kooban yahay kuwo iskawda u taagan sida «geesi; nin; naag;
wiil; gabar; far; af; dhag; san; il; kán; tán», ama dibyaalada muujiya
«ú, kú, ká, lá»; iyo kuwo ka kooban jiridda salka (gundhigga erayga) iyo
jiridda korarka (derivative), kan hore waa erayga laftigiisa ee madoorsame ah ee
macnehiisa sida, eena ah jiridday ku dibkabmaan isrogrogga (inflexion)
doorsameha ah ee siiya jiridda naxwe-ahaan baaqa dirkiisa (class), waxaa ka mid
ah magacyada qaabka jinsiga ama wadarta muujiya «-é, -ó» ama qodabka muujiya; wuxuu jiridda salka ahaan
karaa «fal», «magac», «tilmaan» ama «falkaab», ka soo qaad erayada sidta «-e»
ee ah erayga yeeleha labka tilmaama, inkastoo tusaalooyinkan ay yahiin magac
guud ee matala jinsiga labka «aabe; waraabe; aadane» ama kuwa «-o» sidta ee
magac dhadig guud ah «hooyo; eedo; dhugmo; xumo; huryo»; tusaalooyinka hoose
waa eray sal ah«geesi» iyo siduu eray korar ah u naqodo:
Lawxa 1
Dibkabaha
ee jiridda erayga «geesi» iyo «isrogroggiisa»
|
|||
Jiridda salka
|
+ dibkab
|
Jiridda korarka
|
Macneha iyo dirka dibkabka
|
Gèesi
|
+ -ø (-ka)
|
Geesiga
|
Jinsi kali ah ee lab ee tifaftireha qodabka;
iyo magaca erayga
|
+ -ø (-ta)
|
Geesida
|
Jinsi kali ah ee
dhadigga kaliya
|
|
+ -o (-ta)
|
Geesiyo
(da)
|
Jinsi kali ah ee
dhadigga kaliya
|
|
+ -o (-ta / -ha)
|
Geesiyo
(-da /-ha)
|
Tiro wadar ah
|
|
+ -ooyin (-ka)
|
Geesiyooyin (ka)
|
Tiro wadar ah ee
raacda «-o»da wadarta ah ama «-e»da ee labka kali ah
|
|
+ -aal (-ta)
|
Geesiyaal
(-sha)
|
Tiro wadar ah
|
|
+ kan
|
Geesigan
|
Tifaftireha rug
dhaw tilmaame
|
|
+ kaa(s)
|
Geesigaa(s)
|
Tifaftireha rug
fog tilmaame
|
|
+ kii
|
Geesigii
|
Tifaftireha
duruufta
|
|
+ kaa(ga) /
kaa(da)
|
Geesigaa(ga) /
geesigaa(da)
|
Tifaftireha
lehaanta
|
Lawxa 2
Dibkabaha
ee jiridda salka «geesi» ee jirid-korarsha
|
|||
Jiridda Salka
|
+ dibkab
|
Jiridda Korarka
|
Macneha iyo dirka dibkabka
|
+ -nimo (-ta)
|
Geesinimo (da)
|
Tayo cilanaad ah
|
|
+ -an / -san
|
Geesiyan / geesisan
|
Tilmaan
|
|
+ le (< leh), (-ha)
|
Geesile (ha)
|
Kan geesi ah
|
|
+ ley (< leh + (h)ay = lehay), (-ta)
|
Geesiley (da)
|
Tan geesi ah; iyo kuwa geesi ah
|
|
+ -laawe
(-la’aw + e) (-ha)
|
Geesilaawe (ha)
|
Macneha erayga jiridda salka la’an.
|
|
+ -aal (awl),
-ool (awl),
-iil (ayl)aminka tagtada.
|
Geesi-aal (ka);
sida, jafaal(ka): meesha geedka laga
jafo (jilifta geedka); jeedaalo (da): dhugasho wax meel durugsan
jooga.
|
Meel geesinimo taasho
|
|
+ -(ah)(h)aan (-ta) / -(ah)(ha)naan (-ta)
|
Geesinaan (ta) / geesisanaan (ta)
|
Ahaanta / ahnaanta erayga jiridda salka ah
|
|
+ -(ah)(h)iin (-ta) / -(ah)(ha)niin (-ta)
|
Geesiniin (ta)
|
Ahiinta / ahniinta erayga jiridda salka
|
|
+ -daro (-ta)
|
Geesidaro (da)
|
Ka maqan / aan lehaynin macneha jiridda salka
sido.
|
|
+ -(ah)(h)aad (ahhawd) / -(ah)(h)ood (ahhawd)
|
Geesiyaad / geesiyood
|
Tilmaan
|
|
+ -(ah)(h)eed (ahhayd)
|
Geesiyeed
|
Tilmaan lehaan ah
|
|
+ -(ah)(h)aw!
|
Geesiyaw! / geesiyahaw!
|
Yeermo qofka kaliga ee jinsiga labka iyo
wadarta labka ku saabsan
|
|
+ -(ah)(h)ay!
|
Geesiyay! / geesiyahay!
|
Yeermo qofka kaliga ee dhadiga iyo tirada
wadarta ku saabsan
|
|
+ -(ah)(h)aw
|
Geesiyaw
(Geesi ahaw)
|
Falgaliska «geesi» ee codka «naqosho» ah (inchoative)
|
|
+ -(ah)(h)ay
|
Geesiyay (geesi ahay / geesi aheey)
|
Falgaliska «geesi» ee codka «dhabayn» ah (factitive)
|
Lawxa (2) dibkabka «-nimo» waa kan kaliya aanan fal
ahaynin. Hadduu dibkabka ka bilawdo shaqal, uuna magacana ku dhamaado shaqal
waxaa u dhaxeeya shibaneha «-y-», goortay naqodto dibkabyada «-ahaw» iyo
«-ahay» sida «ninyahaw!» iyo «naagyahay!» ama «nimanyahay!» shibaneha «-y-» baa
ku dhaxkabma si ay ugu ekaanin isrogrog faleed bal ee ay u yeeshaan macne ee
yeermada qofka lala hadlayo. Labo eray kala jirid qaba ee kala macne leh waa
laysku kabi karaa oo ay naqodaan eray cusub isku kaban ama isku-kab ah, sida
labo magac isku kaban «jaan + gari = jaangari», magac iyo tilmaan isku kaban
«jaan + dheer = jaandheer», magac iyo fal «jaantus, jaanqaad, jaanrog, jaango’,
jaanguur, jaansaar». Waxaa kaloo jira horkab xubno fal ah ee falka macnehiisa
korarsha, sida magac-u-yaal iyo fal «istus / istun / istustus» oo kan danbe fal
celcelis ah (frequentative), magac-u-yaal iyo dibyaal (postposition) iyo magac
fal ah ee ficil naqon kara ama uu naqon karin «iskufac, iskuduw, isutag,
islamar, isla yaab, iskujoog».
Magac
Magac waa eray loo adeegto in lagu tilmaamo dad, xayawaano
ama waxyaalo ee iskawda u taagan, ee naqoda wax dhab u jira ee la taaban karo «caadyaal»
(concrete) ama aanan jir-ahaan u jirin ee maskaxda ama dareenka ka jira «cilanaad»
(abstract), tusaale:
I.
Caadyaal: guri, ganbar, Soomaaliya, jaal, faras...
II.
Cilanaad: jacayl, geesi, damac, xaqirnaan, duulitaan...
III.
Guud: guri, jaal, faras, dal, sharikad...
IV.
Gaar: Soomaaliya, jaalkiisa, faraska Cali, sharikadda
Airbus...
Magacyada Soomaaliga waxay u kala qaybsamaan lab iyo
dhadig. Waxayna ka koobmaan magac magac ah, ama magac falkaab ah, ama magac
tilmaan ah. Hadday labo xubno ama ka badan ka koobmaan waxaa xubnaha lagu
magacaabaa xubinta gundhigga u ah xubnaha ee ay oraahdu ku sacodto: «ninka
danbe» tusaalehan waa labo magac, xubinta hore waa tan oraahda gundhig u ah ee
waxa oraahdu ku saabsan tahay ah, xubnaha kale, tifaftireha qodabka ee magaca
gundhigga «ninka» iyo magaca falkaabka ah «danbe» ee tilmaanta ah waa faahfaahsheha ee gundhigga
magaca ah, sidaas dartaydna waa xubno magac ah ama koox magac ah ama oraah
magac ah (syntagma nominal), «meel danbe» gundhigga xubnaha waa magaca falkaabka
ah «meel», sidaas dartaydna waa xubno falkaab ah (adverbial syntagma), «ninkan halkan
jooga» xubnaha faahfaahiya magaca ee khabarka ah wuxuu ka kooban yahay
xubin falkaab layeele ah iyo xubin fal ah, xubinta gundhigga u ah waa falka,
sidaas dartaydna waa xubno fal ah (verbal syntagma), khabarkanna faahfaahiyeha
ah waa oraah tixraah ah (ee tixraacda madaxay faahfaahiso) (relative), sidaas
dartaydna waa xubno tilmaan ah (adjectival syntagma), «kuwa nimanka ah» waa
oraah gundhiggiisu yahay magac-u-yaalka cayiman (definite) «kuwa», sidaas
dartaydna waa xubno magac-u-yaal ah (pronominal syntagma); afka Soomaaliga
dibyaalada (postposition) ma naqodaan gundhig xubneed waayo waxay ka mid yahiin
xubnaha dhidban ee falka ee uu falku gundhig u yahay, sidaas dartaydna ma qabo
xubno dibyaaleed (postpsitional syntagma). Waxaa jira magacyo matirsame ah ee tiro
kali ah ee matala wadar koox ah, sida: «ari(ga), raxan(ta), xayn(ta), koox(da),
dad(ka), horin(ta), urur(ka), xer(ta)», iyo kuwo matirsame ah: «saliid (da),
biyo (ha), ciid (da), bur (ka) – daqiiq (a)» erayga «biyo(ha)» wuxuu leeyahay
qaab wadar ah (jirid sal + wadar = jirid korar)«bi + -o(ha)» laakiin matirsame
kooxeed ah.
Intaynan ka hadlin magacyada tirsameha, waxaa haboon
inaynu sheegno habdhaca codaynta Soomaaliga, taas waa in silsilada dhawaaqa ee
eray uu ku duldhaco alan ama uu xoogsaaran yahay dhawaaq ee dhawaaqyada uu ka
kooban yahay erayga ee loo yaqaan «alan» (syllable); alanku wuxuu u qaybmaa:
alan furan, waa kan ku dhamaada shaqal, alan xiran waa kan uu soo xiro ama ku
dhamaada shibane, alab gaaban waa kan shaqal gaaban leh, alan dheer waa kan
shaqal dheer leh ama ku dhamaada shibane daciif ah ama shibane ee
shibanenimadiisu ay cillad tahay ee u dhaqma sidii isagoo ahaa shaqal ee shaqalkuu
shibanehan daciifka raaco wuxuu naqodaa «shaqal shibane daciif» ah (diphthong)
«aw, iw, uw, ow, ew» iyo «ay, iy, uy, oy, ey» sida falka «a-haw-daa» ee sadex
alan leh, alanka «haw» waxaa loogu dhawaaqi karaa si shaqal dheer ah «a-háa-daa»;
alan «codkac» ah, waa alan codkiisa kor u qaadan goorta loo eego alanada
dhinacyadiisa ka jira, ee laga soo qaadtay erayga Laatiinka «acūtus»
ee isna laga soo qaadtay naxwe-ahaan erayga Giriigga «tónos oksýs» ee shaqalka ku kordhawan «ά», oo labaduba la macne ah «cod fiiqan»; alan
«coddhac» ah, waa alan codkii kacay hoos uga soo dhaca, ee laga soo qaadtay
Laatiinka ee isna naxwe-ahaan ka soo qaadtay Giriigga «tónos barýs» ee shaqalka ku kordhawan «ὰ», oo labaduba la
macne ah «cod culus»; waxaa jira alan kale ee tilmaama codkac kadibna coddhac ee
ay Giriiggu ugu magacdarayn «perispōménē»,
astaan kor u kacan haddana hoos u dagan «ᾶ» uu Giriiggu shaqalka ku kordhawo,
ee Laatiinkuna uu u soo tarjamay «circumflexus» ee la macne ah «si isku wareeg
ah u laaban / isku laaban» ee uu Laatiinka si xagal hoos u jeedda ugu kordhawo
shaqalka «â» ee ah codka xagasha. Soomaaliga wuxuu leeyahay sadex habdhac codayn
ah: «codkac» (high tone / accute accent) ee naqon kara Soomaaliga cod kaca
(rising tone) ama cod kacan (high tone) tusaale, magacyo: «dhág(ta), góol(sha),
dáb(ka), hílib(ka), odáy(ga)», falkaab «shálay», tilmaan «dháw», fal «íibi!,
dhís!, hél!»; cod dagan (low tone) ee codayn la’aan ah; iyo «coddhac» (falling tone
/ grave accent) tusaale: magac «càar(ka), wàyl(ka), àwr(ka), càws(ka),
damèer(ka), shìikh(a)», fal «ràag!, kèen!, qàad!, ká tiirsanàw!»; habdhaca codayntan
waxay kala saaraan iska soohorjeedka labka iyo dhadiga ee tirada kali iyo iska
soohorjeedka labka kaliga ah iyo wadartiisa ee jinsiga dhadiga ah (eeg buugga
Somali «Soomaali» ee John Saeed «Saciid» 1999); habdhaca codka ama alankuu ku
dhaco xoogga codka waxaa laga soo xisaabiyaa kan ugu danbeeya: alanka «aakhirka»
(ultima), kan soo xiga waa alanka «aakhirka kahor» (penultima), kan sii xiga
waa alanka «aakhirka kahor hortiisa» (antepenultima), kan ugu horeeya waa
alanka «hore», xoogga codka wuxuu labka kali ah ka saarmaa alanka aakhirka
kahor, wuxuuna dhadigga kali ah iyo wadarta jinsiga dhadiga ah ka saarmaa
alanka aakhirka. Sida looga soo warin karo buugga Saciid, xoogsaarka codka
Soomaaliga waxaa saameeya culayskuu codka ku leeyahay alanka «culayska alanka»
(mora) ee ku dhaca shaqalka; shaqalka halka alan wuxuu leeyahay hal culays ee
loogu waco «alan khafiif ah», shaqalka dheer ama shaqalka shibaneha daciifka (diphthong)
wuxuu leeyahay labo culays, ee loogu waco «alan culays ah»; Soomaaliga wuxuu
leeyahay labo cod aasaas ah «cod kacan / cod sare» (high tone) ee laga maqli
karo codkaca iyo «cod dagan» (low tone); shaqalada dhaadheer iyo shaqalada
shibaneyaasha daciifka isdaboraaca ee «cod sare iyo cod dagan» wuxuu u soo
baxaa sidii «coddhac» (falling tone); shaqalada dhaadheer iyo shaqalada
shibaneha daciifka isdaboraaca ee «cod dagan iyo cod sare» wuxuu u soo baxaa «cod
sare / kacan» (high - high tone) ee jeer ka jeer loo maqlo sidii «codkac»
(rising tone). Habdhaca codka ee uu culayska alanka keeno wuxuu leeyahay afar habdhac:
1- cod kacan ama sare baa ku dhaca culayska alanka aakhirka, alanada kale waa
cod dagan, 2- cod kacan ama sare baa ku
dhaca culayska alanka aakhirka kahor, 3- cod dagan baa ku dhaca alanada culayska
dhan, 4- cod kacan / sare baa ku dhaca culayska alanka hore. Tusaalooyinka hoose
waa tusaalooyin kala muujiya iska soo horjeedka labka iyo dhadiga, coddhaca «à»
wuxuu u qoran yahay sidii codka xagasha «â»:
Lawxa 3
Isku
barbardhigga codaynta labka iyo dhadiga, iyo labka wadardiisa
|
|
Káli -
Lab (ka)
|
Káli - Dhadig (ga)
|
Ínan
(ka)
|
Inán
(ta)
|
Farîid
(ka)
|
Faríid
(da)
|
Wâyl
(ka)
|
Wáyl
(sha)
|
Kali –
lab (ka)
|
Wadar
|
Ây
(ga)
|
Áy
(da)
|
Mádax
(a)
|
Madáx
(da)
|
Soomáali
(ga)
|
Soomaalí
(da)
|
Áwr
(ka)
|
Aw´r
(ta)
|
:
Tusaaleha ugu danbeeya (áwr) ma qabo coddhac ee waa
codkac, meesha wadartiisu ku leedahay codka kacan shibaneha «w´». Caynka kale
ee wadarta, shaqalka «-ó» ee codkac leh baa lagu dheehshaa jirídda kali ah,
magacyada qaadta «-ó»da waxay kaloo qaadtaan wadarta «-óoyin» iyo «-áal»:
Lawxa 4
Wadarta
«-ó»
|
|
Mindí
(da)
|
Mindiyó
(da) / (ha)
|
Náag
(ta)
|
Naagó
(ha)
|
Ólal
(ka)
|
Olaló
(da) / (ha)
|
Ílig
(ga)
|
Iló
(ha)
|
Gacán
(ta)
|
Gacamó
/ Gacmó (da) / (ha)
|
Qódab
(ka)
|
Qodabó
/ Qodbó (da) / (ha)
|
Sanbáb
(ka)
|
Sanbabó
(da) / (ha)
|
Wadarta kale waxaa lagu dheehaa erayga halka alan ah,
waxaana la qaadtaa shibaneha ugu danbeeya oo «á» codkacan leh ku horkaban:
Lawxa 5
Wadarta
«-á + shibaneha ugu danbeeya ee erayga» iyo wadarta «-óoyin(ka)»
|
|
Dáb
(ka)
|
Dabáb
(ka)
|
Íl (ta)
(l + t = sh)
|
Ilál
(sha) / [Iló (ha)] / [Indhó (ha)] / [Ilóoyin (ka)]
|
Úl
(sha)
|
Ulál
(sha) / [Uló (ha)] / [Ulóoyin (ka)]
|
Áf
(ka)
|
Afáf
(ka) / [Afó (ha)] / [Afóoyin (ka)]
|
Méel
(sha)
|
Meelál
(ka) / [Meeló (ha)] / [Meelóoyin (ka)]
|
Tusaaleha 4aad wadarta «afóoyinka» waxay kaloo tahay
wadarta «afo (da)». Erayada magaca yeeleha ee labka sidta waxay qaadtaan «-áal»:
Lawxa 6
Wadarta
«-áal»
|
|
Árbe
(ha)
|
Arbeyáal
(sha)
|
Bakáyle
(ha)
|
Bakayleyáal
(sha)
|
Dháme
(ha)
|
Dhameyáal
(sha)
|
Góle
|
Golayáal
(sha)
|
Talíye
/ Tálshe (ha)
|
Taliyáal
(sha)
|
Waxaa kaloo jira erayo iska yar ee qaadta wadarta «-án»
sida «dhagáx (a), ugáx (da)», «qálin (ka)», «daris (ka)», «dhagaxán (ta)
/ dhagxán (ta)», wuxuu kaloo qaadtaa «dhagaxyó (da) / dhagxó (ha) /
dhagaxóoyin (ka) / dhagxóoyin (ka) / dhagaxyáal (sha)»; «ugaxán (ta) / ugxán
(ta)», wuxuu kaloo qaadtaa «ugaxyó (da) / ugxó (ha) / ugaxóoyin (ka) / ugxóoyin
(ka) / ugaxyáal (sha)»; «qalimán (ta) / qalmán (ta)», wuxuu kaloo
qaadan karaa «qalinyó (da) (ha), qalinó (da) (ha), qalimó (da) (ha) /
qalimóoyin (ka) / qalmóoyin (ka) / qalinyoyáal (sha) / qalimoyáal (sha) /
qalmoyáal (sha)»; «daris (ka) - darsán (ta) / darsáan (ta)» ee qaadan kara
«darisyó (da)(ha) / darsóoyin (ka) / darisyoyáal (sha)»
Waxaa jira todabo wadar ee af Soomaali ah: 1- labka kali
ah ka soo horjeedkiisa dhadigga wadarta ah, «Soomáali – Soomaalí
/ Cárab - Caráb», 2- labka kali ah ee labolaabkiisa ee shibaneha
ugu danbeeya iyo shaqalka «á» «nín - nimán», 3- «-é» ee labka kali ah qaadta, «agaasimé
- agaasimeyáal», 4- labolaabka ama celceliska (frequentative /
iterative) erayga ee ku dhaca magacyada tilmaanta ah «wayn – waynwayn /
waawayn», «dheer – dheerdheer / dhaadheer», «culus - culculus», «madaw –
madmadaw» 5- «-ó» ee qaadta magacyada labka wadarta ah iyo dhadigga kali ah, «abwàan
- abwaanó», 6- «-óoyin» ee
magacyada dhadiga kali ah qaadta, «dawó - dawóoyin», magacyada
wadarta ee ku dhamaada «-ó» qaadta «abtiyó – abtiyóoyin; abtiyoyáal»
7- «án / áan» ee magacyo aad u yar
qaadta «ugáx - ugxàn / ugxáan» waa wadar ka yimid falka «fal xaaladeed» ah
(stative) ee muuqaalka gabogabaysan leh (perfective) ee sidta codka «dhaxe», ee
isna ka yimid «fal xaaladeed» ah «ugxàn < ugxid» ama «fal ficileed» ah
«dhagxán < dhagxid». 8- Waxaana jira magacyo laga soo qaadtay afka Carabiga
ee qaadta wadarta Carabigiisa ah iyo wadar Soomaali ah, sida «ficil - afcaal /
ficiló», «xaal / xaalad - axwaal / xaalál / xaaló / xaaladó»,
«waalid - waalidiin / waalidó», «darsi - duruus / darsiyó»;
magacyada waxay qaadan karaan mid ka badan hal wadar, wadar walbana wuxuu
leeyahay macnehiisa gaarka ah.
Magac-u-yaalka
Lawxa 7
Madaxbanaan
(magac
ah)
|
Magac-u-yaal
dhidban
(fal
ah)
|
||
Yeele
/ Layeele (mawduuc ah)
|
Yeele
|
Layeele
|
|
Kali
|
|||
Aní
(ga)
|
Áan
|
Í
|
|
Adí
ga)
|
Áad
|
Kú
|
|
Asá /
Isá (ga)
|
Úu
|
Ø
|
|
-
|
Lá
(Yeele
dahsoon / qoflaawe)
|
Lá
(Lajire
- Dibyáal)
|
|
Ayá /
Iyá (da)
|
Áy
|
Ø
|
|
-
|
Ís
(isyeele)
|
Ø
|
|
Wadar
|
|||
Aná /
Iná (ga)
|
Áynu /
Áan / Áanu
|
Ná /
Ína
|
|
Adín /
Idín (ka)
|
Áydu /
Áad
|
Idín
|
|
Ayá /
Iyá (ga)
|
Áy
|
Ø
|
|
-
|
Ís
(isyeele / iswaydaarsi)
|
Ø
|
|
Magac-u-yaalada kale waa kuwo qoflaawe ah: «míd (ka), mid
(da); kán, káa (s); kú, tú; kíi, tíi; kóo, tóo; káyr (kéer), táyr (téer); kuwó,
kuwá, kuwóo, kuwíi, kuwáyr (kuwéer); yáa»; magac-u-yaalada lehaanta ka eeg
«tifaftire».
Dibyaal
Afka Soomaaliga inta u dhaxaysa madaxa weerta iyo falka
waa wada xubno fal ah ee ku dhidban halkaas ee madoorsame ah; dibyaalada
Soomaaliga waxaa la dib dhigaa ama ay dibyaalaan magac-u-yaalada layeeleha ah
ee uu dibyaalku la xiriiriyo ficilka, sida layeele toosan «aniguu iga
hadlayaa», layeele dadban «aniguu iga yeelay», waa magac-u-yaalka waxa
ficilka ku matala magaca ee uu ficilka marbaba si toos ah uu ula xiriirin;
dibyaalada Soomaaliga waa afar isugu xiga kala horayn leh kuwa shaqalka «ú» leh
oo ka hormara kuwa shaqalka «á» leh waayo midka hore baa ka faacil ah (active)
kan danbe, kan danbena uu yahay mid sal ah
(absolutive) «ú, kú, ká, lá»; sadexda hore waxay muujiyaan ama
xiriiriyaan dhaqdhaqaaqa ficilka (lative), marka «ú» waa dhaqdhaqaaq u
jeeda qof ama shay «u jeede» (allative / directive) ama loola jeedo qof
ama shay «loola jeede» (dative); «kú» wuxuu tilmaamaa dhaqdhaqaaq
meel ku dhaca «meelle» (locative), ama wuxuu tilmaamaa mid wax lagu
adeegsado «la adeegsade», (instrumental); «ká» wuxuu tilmaamaa
dhaqdhaqaaq meel ka dhaca ama ka yimid ee «meelle» ah, si gaar ahna waa «meel
ka soo jeede» (ablative), waxaana loo adeegsadaa magacyada iyo oraahyada
laysku barbardhigo (comparative); laakiin «lá» jeer waa yeele dahsoon ah
(agent) ee faacil ah (active), ee qabta hawshuu yeeleha dahsoon ka qabto afafka
ee leh codka «yeeleha gadisan» (passive) ama waa yeele qoflaawe ah (impersonal),
jeerkuu yeeleha yahay wuxuu yeeleyaasha kala safmaa isku-xigga ee ah (yeele -
layeele - dibyaal) oo qaadta rugta yeeleha (eeg tusaalooyinka 11-15), jeer
kalena waa dibyaal «lajire» ah (comitative) ee yeeleha kula xiriiriya
layeeleha dibyaal-ahaan (eeg tusaalooyinka 12-15):
Lawxa 8
Dibyaalka
iyo layeeleha
|
||||
-
|
ú
|
kú
|
ká
|
lá
|
í
|
íi
|
igú
|
igá
|
ilá
|
kú
|
kúu
|
kugú
|
káa
|
kulá
|
ná
|
nóo
|
nagú
|
nagá
|
nalá
|
iná
|
inóo
|
inagú
|
inagá
|
inalá
|
idín
|
idíin
|
idinkú
|
idinká
|
idinlá
|
Dibyaalka
iyo yeeleha
|
||||
lá
|
lóo
|
lagú
|
lagá
|
lalá
|
ís
|
isú
|
iskú
|
iská
|
islá
|
Lawxa 9
Dibyaal
iyo dibyaal
|
||||
ú
|
kú
|
ká
|
lá
|
|
ú
|
ugú
|
ugú
|
ugá
|
ulá
|
kú
|
-
|
kagá
|
kagá
|
kulá
|
ká
|
-
|
-
|
kagá
|
kalá
|
lá
|
-
|
-
|
-
|
-
|
Lawxa 10
Korarka
dibyaalka iyo layeeleha
|
||||||
ugú
|
ugá
|
ulá
|
kagá
|
kulá
|
kalá
|
|
í
|
iigú
|
iigá
|
iilá
|
Igagá
|
igulá
|
igalá
|
kú
|
kuugú
|
kaagá
|
kuulá
|
kaagá
|
kugulá
|
kaalá
|
ná
|
noogú
|
noogá
|
noolá
|
nagagá
|
nagulá
|
nagalá
|
iná
|
inoogú
|
inoogá
|
inoolá
|
inagagá
|
inagulá
|
inagalá
|
idín
|
idiinkú
|
idiinká
|
idiinlá
|
idinkagá
|
idinkulá
|
idinkalá
|
Korarka
dibyaalka iyo yeeleha
|
||||||
lá
|
loogú
|
loogá
|
loolá
|
lagagá
|
lagulá
|
lagalá
|
ís
|
isugú
|
isagá
|
isulá
|
Iskagá
|
iskulá
|
iskalá
|
Lawxa 11
Magac-u-yaalada
layeeleha iyo yeeleha dahsoon «lá»
|
||||||
-
|
í
|
kú
|
ná
|
iná
|
idín
|
Ís
|
lá
|
lày
|
lagú
|
laná /
nalá
|
layná
|
laydín
|
làys
|
Lawxa 12
Dibyaalo
korar ah iyo «láy»
|
|||||
-
|
ugú
|
ugá
|
kagá
|
kulá
|
kalá
|
lày
(la + í)
|
laygugú
|
laygugá
|
laygagá
|
laygulá
|
laygalá
|
Lawxa 13
Dibyaalo
sal iyo korar ah iyo «laná»
|
||||||||
-
|
ú
|
kú
|
ká
|
lá
|
ugú
|
ugá
|
kulá
|
kalá
|
laná
(lá + ná)
|
lanóo
/ nalóo
|
lanagú
/ nalagú
|
lanagá
/ nalagá
|
Lanalá
|
lanagugú
/ nalagugú
|
lanagagá
/ nalagagá
|
lanagulá
/ nalagulá
|
lanagalá
/ nalagalá
|
Lawxa 14
Dibyaalo
sal iyo korar ah iyo «laydín»
|
|||||||||
-
|
ú
|
kú
|
ká
|
lá
|
ugú
|
ugá
|
kagá
|
kulá
|
kalá
|
laydín
(lá + idín)
|
laydíin
|
laydinkú
|
laydinká
|
laydinlá
|
laydiinkú
|
laydiinká
|
laydinkagá
|
laydinkulá
|
laydinkalá
|
Lawxa 15
Dibyaalo
sal iyo korar ah iyo «làys»
|
||||||||
-
|
ú
|
kú
|
ká
|
lá
|
ugú
|
ugá
|
kagá
|
kulá
|
làys (lá + ís)
|
laysú
|
layskú
|
layská
|
layslá
|
laysugú
|
laysugá
|
laykagá
|
layskulá
|
Tilmaan (Sifo)
Tilmaanta waa magac tilmaama tayada wax ama qof (macáan,
qaráar, wàyn, yár, cusúb, sán, xún, cás, cád, adág, ròon, cayríin, nacáb), ama
magac fal-korar ah ee codka «dhaxe» ee «-án» sidta (dhuubán, fiicán, furán,
qaawán, qaybán, qaybmán, qaybisán, qaybsán, gubán, gubmán, gubisán, gubsán);
oraah-ahaan waxaa u gundhig ah falka «ah»: 1- «méel fóg» ama 2- «méel fóg ah»
ama 3- «méel ay fóg tahay», tan hore waa weer ama oraah labo magac kaliya
ka kooban ee ah magac iyo tilmaan ee uu magaca hore ee madaxa u ah uu yahay
gundhigga oraahda ama oraah magaceed (syntagma nominal) ee uu falka «ah» xadaf
yahay, tan labaad iyo tan sadexaad waxaa la jira falka «ah» tan sadexaadna
falku wuxuu leeyahay isrogrogga yeeleha, sadexduba waa weer tixraac ah
(tixraaca magac ama magac-u-yaal madaxa u ah)(relative), tilmaanta «fóg» waa
layeeleha ee falka «ah» oo labaduba wada ah khabarka iyo «faahfaahiyeha»
(modifier) ee «méel», oraahda madaxa faahfaahiya ee uu gundhig u yahay falka
«ah» ee ah oraah faleed ama ficileed (syntagma verbal) iyo oraah tilmaan ah
(syntagma adjectival); sida looga arko tusaaleha, faahfaahiyeha afka Soomaaliga
wuxuu raacaa ama dibmaraa magacuu faahfaahsho. Waxaa jira magac magac kale
raaca ee faahfaahsha magaca hore ee la yiraahdo «tilmaan-u-yaalka» (appositive),
tusaale «naagta kalkaalisada»; afka Soomaaliga magacyada tilmaanta ah ama
tilmaan-u-yaalka ah waa tilmaan khabar ah ee falka «ah» u gundhig ah khabarka,
sida «naagta kalkaalisada (ah)», «wabiga shabeele (ah)», «miiska xafiiska (leh)»;
tilmaan-u-yaalka wuxuu naqon karaa falkaab «jidka hortiisa», xubno
magaceed «badwaynta Hindiya, saaxiibka iyo cadawga kaluumaysteha»,
oraah khabar ah «gudiga loo xilsaaray ee hawsha go’aanshay»;
dhamaan waa weer tixraax ah (ee tixraaca magaca) ee ka kooban «madax +
faahfaahiye», waana siday u dhisan yahiin weeraha ama oraahyada Soomaaliga
(xattaa afafka caalamka) naxwe-ahaan, ee uu ka mid yahay weerta madaxbanaan
dhismahiisa (madax «diiradiye» + faahfaahin) laakiin weerta madaxbanaan waa
weer madaxiisu dhabta ah yahay magacuu diiradiyehu diiradiyo ee siiya weerta macne
buuxa ee aanan dhinaynin.
Falkaab
Falkaab waa eray tilmaama habka ficilku u qabsamo ama loo
qabto sidaas dartaydna loogu magacdaray falkaab (fal kab) laakiin qaar baa lagu
horkabaa falka; falkaabka wuxuu kaloo faahfaahin karaa tilmaanta
(sifada) «hab ee àad ú haboon» iyo falkaab kale. Falkaabyada waxay u
kala qaybsan yahiin: falkaab meeleed «méel (sha), hál (ka), ín (ta)»; falkaab
siyaaleed «sí (da), háb (ka)»; falkaab amineed «máan (ta), bári (ga),
máalin (ta), cáawo / cáwo (da), xálay (da), dóraad (da), kahor, kadib, hiláad
(da)...»; falkaabka tirada ama xoogsaarka (intensity) «ín (ta), àad,
úun, qúr / qúra (qúr ah), káli / káliya (káli ah), xoogaa (ga), dháwr (ka), -bá
(qofba waa siduu yahay), kasta, walba, wali (waligiisa)...» iyo kuwo tilmaan ah
«badán, ka badán, yár, ka yár...»; falkaab qiraaleed «háa, háah, haaháy,
nacám»; falkaab diidmeed «má (ficileed), mayá (magaceed); -bá / -ná,
abadba, waligiisa...»; falkaab shakiyeed «malaha, laga yaabo,
mindhaa...». Badanka falkaabka Soomaaliga waa magacyo, laakiin kuwo qaab gaar
ah leh ee uu qaabkaas ka duwo magac-ahaanta ee qaadta qaabka magaca yeeleha
dhadiga «-tó» baa jira «baríto, shálayto, xálayto, dóraadto»; waxaa kaloo jira falkaabyo ka mid ah xubnaha
ama kooxda falka (verbal syntagma) ee faahfaahintaas uu falku gundhig u yahay «sóo,
síi, wada, kala»; waxaa kaloo jira magacyo falkaabeed ee u dhaqma faahfaahiyeha
falka (verb modifier) sida «hor-, dib-, dabo-».
Tifaftire
Tifaftire waa dibkab magaceed (magac, tilmaan, falkaab)
ee tifaftira ama faahfaasha ama soo bandhiga ulajeedada – ee uu ku leeyahay
weerta ama oraahda – gundhigga (nucleus) ee xubnaha weerta iyo faahfaahiyehiisa;
waxaana loo qaybshaa: qodab, xoojin, tilmaame, lehaan, tiro, aqoole
(distributive), waydiin, yeermo.
Qodabka: kan labka ah wuxuu ka kooban yahay shibaneha «k-» iyo
«h-», tan dhadigga ahna waa «t-», ee raaca shaqal sumad siiya (eeg lawxa 16);
«-a» wuxuu tilmaamaa naxwe-ahaan meesha ugu hoosaysa ee uu weerta ama oraahda
ku naqon karo magaca la tifaftiro «sal» (absolutive); «-u» ma tilmaamo «yeele»
(subjective / nominative), ee wuxuu tilmaamaa inuu magaca la tifaftiro «soocane»-ahaan
uga soo taagan yahay weerta; «-ii» wuxuu tilmaamaa inuu magaca la tifaftiro si
soocane ah uga soo taagan yahay oraahda laakiin isagoo la muujiyo xaaladduu ama
duruuftuu uga jiro oraahda «soocane duruufeed» ama xaaladda ama duruufta ee
magacaas ee ay hadleyaashu madaxa ku hayaan ama laysla yaqaano; «-ká, -kú,
-kíi; -tá, -tú, -tíi».
Lawxa 16
Sumadaha
Shaqaleed
|
|||
Qodabada
|
Magacyada
|
||
Sal
|
Soocane
|
Soocane
Duruufeed
|
Xoojiye
|
-á
|
-ú
|
-íi
|
-í
|
Magac
Yeele
|
|||
Lab /
Dhadig
|
Lab
|
Dhadig
|
|
-áa
|
-é
|
-tó;
-só
|
Xoojin: magacyada afka Soomaaliga siday yahiin waa «sal» qaar
waxay qaadan karaan goortay cayimanaynin (indefinite) «í» ee xoojiya siduu
yahay, sida «naagí», «kaní; taní; kaasí; taasí», «niní; nimaní», «geeriyí»,
«hadalí».
Tilmaame: kan labka wuxuu ka kooban yahay «k-» ama «h-»,
tan dhadiggana «t-»; hadduu «-án» raaco wuxuu tilmaamaa in magaca la tifaftiro
uu ku sugan yahay «rug dhaw», xattaa hadduunan agjoogin hadleha; hadduu raaco
«-áa (s)» wuxuu tilmaamaa rug aanan dhawaynin ama fog, xattaa hadduu hadleha
sidaas uga fogaynin; hadduu raaco «-áyr / -éer» wuxuu tilmaamaa fogaan.
Lehaan: kan labka wuxuu ka kooban yahay «h-» iyo «k-», tan dhadiggana «t-»; shibaneyaashan
waxaa sal u ah shibaneha «h-» ee ay tahay halkay kuwa kale ka suubsamaan. Goorta
hore kuwa lehaanta tilmaama waa magac-u-yaalo
oo u kala qaybsama lab iyo dhadig, goortayse tifaftire naqodaan waxay ku
raacaan jinsigay tifaftiraan. Qofka labaad wuxuu qaadan karaa qodab lab ama
dhadig ah jinsiga ku haboonna ay faahfaahshaan, waxay u badan tahay kan labka
ah inuu waagiisa hore ku waafaqi jiray magaca labka ah, tan dhadiggana waxay ku
waafaqi jirtay magaca dhadigga:
Lawxa 17
Magac-u-yaalka
lehaanta ee tifaftire-ahaan loo adeegsado
|
|
Lab
|
Dhadig
|
-hày
(ga) / -kày (ga)
|
-tày
(da)
|
-hàa
(ga), (da) / -kàa (ga), (da)
|
-tàa
(da)
|
-hìi
(sa) / -kìi (sa)
|
-tìi
(sa)
|
-hàyd
(a) / -kàyd (a)
|
-tàyd
(a)
|
-hayá;
-haayá (ga) / -kayá; -kaayá (ga)
|
-tayá;
-taayá (da)
|
-hàyn
(a) / -kàyn (a)
|
-tàyn
(a)
|
-hìin
(a) / -kìin (a)
|
-tìin
(a)
|
-hàwd
(a) / -kàwd (a)
|
-tàwd
(a)
|
Magac-u-yaalka lehaanta waxaa loo adeegsan karaa sidii
magac-u-yaalka layeeleha, laakiinse magac-u-yaalada lehaanta sida
magac-u-yaalada layeeleha ah ee qofka 3aad (kali iyo wadar) way ka maqan yahiin
magac-u-yaalada leyaaleha, tusaale:
1- Maryanaa
shalay noo timid, oo na kiin waydiisay (= oo anaga na waydiisay idinka).
2- Maryanaa
shalay idiin timid, oo na kiin waydiisay ( = oo idinka waydiisay anaga).
3- Ilaahaa
na kaa siiyay. (= Adigaa Ilaah na siiyay)
4- Ilaahaa
na kaa siiyay. (= Anagaa Ilaah ku siiyay)
5- Waxaan
doonayaa inuu sawir nooga kaa qaado. (= inuu sawir nooga «na + u + ka» kaa
qaado = inuu sawir adiga kaa «ku + ka» qaado; oo anaga noo «na + u» qaado.
6- Waxaan
doonayaa inuu sawir nooga kaa qaado. ( = inuu sawir nooga «na + u + ka» kaa
qaado = inuu sawir anaga naga qaado; oo kuu «ku + u» qaado adiga.
7- Way
idinka kay qaadayn. ( = anigay idinka qaadayn)
8- Way
idinka kay qaadayn. ( = adinkay iga qaadayn).
9- Ilaah
baa ku kaaya siiyay. (= anaga buu Ilaah ku siiyay)
10- Ilaah
baa ku kaaya siiyay. (= adiga buu Ilaah na siiyay).
Lehaanta waxaa kaloo lagu magacaabaa labo magac ee israacsan
ee afka Carabiga loogu waco (ألإضافة), ee tilmaama lehaan, magaca danbe wuxuu tilmaamaa meeshuu kan hore
ka mid yahay, tusaale: «qolka guriga», «dadka magaalada»; tan labaadna magaca
labaad wuxuu tilmaamaa inuu lehaha ama lehaanleha magaca hore yahay: «guriga
walaalkày», «dukaanka Calí».
Tiro: tirada afka Soomaaliga ma aho tafaftire, dhab-ahaantii
waa magac ee madax ama gundhig magaceed ah ee qaadan kara faahfaahiye
(tifaftire, tilmaame, tilmaan... ), tusaale ee tirada ama tiraaleha salka ah (cardinal) ilaa
iyo toban: «káw (ga) (da); lábo (da); sádex (a) (da); áfar (ka) (ta); shán (ka)
(ta); líx (da); todabó (da); sidáyd / sidéed (ka) (da); sagáal (ka) (sha);
tobán (ka)»; tiraaleha tobnaadyada tirada ee ah magac isku xira xiriiriyeha
«iyo» midkii la doono baa la hormarin karaa: «káw iyo tobán; labó iyo tobán;
sádex iyo tobán...» ama «tobán iyo káw; tobán iyo labó; tobán iyo sádex...»; tirada
leh «?0» waxay qaadtaan «-tán (ka) (ta)»: «labaatán (ka); sódan
(ka) (ta); afártan (ka) (ta); kóntan (ka); líxdan (ka) (ta);
todabáadtan (ka) (ta); sidáydtan / sidéedtan (ka) (ta);
sagáashan (ka) (ta); boqál (ka) (sha); labó boqál iyo kóntan; kún (ka);
malyùun / milyùun (ka)».
Tirada ama tiraaleha jagada (ordinal) wuxuu qaadtaa «-áad
(ka) (da)»: «kawáad (ka) (da); labáad (ka) (da); sadexáad (ka) (da); afaráad
(ka) (da); shanáad (ka) (da); lixáad (ka) (da); todabáad (ka) (da); sidaydáad /
sideed (ka) (da); sagaaláad (ka) (da); tobanáad (ka) (da); labaatanáad (ka)
(da); boqaláad (ka) (da); kumáad (ka) (da)» ama «boqaláal (ka); boqalaaló (da)
(ha); kumáan (ka); kumáanka kún; kumanaanó (da) (ha)»; ama «-éed (ka) (da)»;
tirada ama tiraaleha tobanaadka waxaa raaci kara «-éeyo (da)» «tobanéeyo (da);
labo iyo tobanéeyo (da); labaatanéeyo (da); sodanéeyo (da); afartanéeyo (da);
kontanéeyo (da); lixdanéeyo (da); todabaatanéeyo (da); sidaydtanéeyo /
sideedtanéeyo (da); sagaashanéeyo (da); boqaléeyo (da); boqanéeyo (da);
kumanéeyo (da)»; ama «-le (ha) / -áale (ha)» «kawle; labole; sadexle; afarle;
shanle… tobanle… sagaashanle, boqale, boqalaale, kumanle, kumanaale».
Tirada ama tiraaleha jagada ee jabjabka: hadduu kala bar
yahay waa «bár; nús», «waax / rubuc / rubi» haddii kale «sadexdii méel, méel» «sadexdii
meeléed, méel» ama «méel sadexéed; labó meeléed; sadex meeléed, afar meeléed...
»
Tirada ama tiraaleha jagada ee laablaabka waxaa la
raacsiiyaa «-láab (ka)», «laboláab (ka); sadexláab (ka); afarláabka; shanláab
(ka)... tobanláab (ka)... sagaashanláab (ka); boqalláab (ka)».
Tirada ama tiraaleha qiyaasta leh (indefinite): «Xoogaa,
in, dhawr, dhamaan, kulli, gadi, wax yar, wax xoogaa, qaar, iska badan, iska
yar, iska dhaxdhaxaad, tiro badan, tiro yar, tiro aanan badanaynin, intan,
intaas, inta badan... ».
Aqoole: waa tifaftire tifaftira xubno koox ah ee uu mid walba
iskiisa u taagan yahay ee culayska ka wada dhaxeeya aqoolsadaan ama qaybsadaan;
tifaftireyaasha aqooleha (distributive determiner) waa: «kasta, walba; -ba,
-na» ee weer tabineed iyo weer diidmeed ay yeelan karaan.
Waydiin: tifaftireha waydiinta waa madaxa ee weerta; «maxaa» waa
oraah magac ah ama magaceed, meesha «ma» uu yahay oraah ficil / fal ah ama
ficileed / faleed; kan danbe goorta la diiradinayo magaca waxaa la adeegsadaa
diiradiyeha «ayàa / bàa», «ma Cali baa / ayaa yeelay?» «ma Cali buu / ayuu
siiyay?», «ma ayuu siiyay? / mayuu siiyay?» ama falka «ah» ee xadafsan «ma Cali
baa?». Tifaftireyaasha waydiinta waxaa lagu dibkabaa tifaftireha qodabka ama
magac-u-yaalka: «-èe», «ninkèe?» «kú + èe = kèe?», «kuwo / kuwa + èe = kuwèe?»,
«má + èe = mée?», «méeyay?», «méeday?», «sí + èe = sèe?»; «ma» waxaa lagu
dibkabaa magaca ama magac-u-yaalka «qofma?», «ayoma?», «kú + má = kuma?», «tú +
má = tuma?», «kuwama?», «shinma?»; waydiimaha kale waa «yàa», «ímisa», «méeqa»,
«saw» tusaale: «sawtuu taas yeelay?».
Yeermo: yeermada waa dhawaaq loogu yeero qof isagoo loogu
yeerayo si xamaasad leh ee dareen sidta, ha ahaado, layaab, cajab, cabsi, caro,
farax, i.w.m. yeermada Soomaaliga ma aho tifaftire, laakiin kan kaliya ee
tifaftire ah waa «maxaa!» sida tusaaleha «bal maxaa si u jira!». Waxaa jira mid
dibkab naxweed ah, ee kali-ahaan qofka loola jeedo lab ah uu ku dibkabmo «-aw!
/ -yahaw!» ee ka yimid «-haw! / ahhaw» sida «Caliyaw!», «ninyahaw!», ama haddii
qof dhadig kali ah loola jeedo waxaa ku dibkabma «-ay! / -yahay!» ee ka yimid «-hay!
/ ahhay!» sida «Canabay!» «gabaryahay!»; labka wadarta ah waxay qaadtaan «-aw!
/ -yahaw!» iyo «-ay! / -yahay!»; dhadigga wadarta waxay qaadtaan «-ay! /
-yahay!»; mid kale waa dibkabka «-(h)aa!» ee ka yimid «ahhaa!» sida «ciyawaa!
(ciyaw + ahhaa!)», «meeshu baabuur badanaa! (badan + ahhaa!». Waxaa jira erayo
iskawda u taagan ee yeermo ah: «àa!» ee cabbira xanuun, daal, murugo i.wm.,
«aqás!» ee cabbira dareen lablab ah, yasmo, i.w.m., «Álla!» ee cabbira layaab,
cajab, i.w.m., «bága!» ee cabbira wax u bogid, farxad, i.w.m., «cáku!» ee
cabbira wax kahasho, wax nacbaysasho, i.w.m., «cár!» «wír!» ee cabbira u digid
ama ka dalbasho qofka loogu yeerayo hadduu isku dayi karo ama ku dhaci karo, «waawaray!»
ee cabbira argagaxid, baqdin, «war!» ee cabbira layaab, cajab, ama loogu yeero
qofka la baraarujinayo ama wax loo tilmaamayo, «yáw!» ee cabbira qof habaarid, «wày!»
ee cabbira cajab, layaab; ama cabbira ciil dartiisa ama iscanaanasho.
Xiriiriye
waxaa jira labo cayn xiriiriye ah; xiriiriye ee oraah khabar
ah ee dhiman (oraahda faahfaahinta ee tixraaca magaca iyo
oraahda faahfaahinta ee hoosjoogga falka aasaaska ama oraah
aasaas ah) iyo xiriiriye ee magacyda oraahda (magac, tilmaan ama
falkaab) ama oraahyo madaxbanaan (aasaas ah), ama oraahyo dhiman
(ka kuwa xiriiriyeyaasha weerta hoosjoogga: Naxweha Af Soomaaliga: weerta),
kuwan waa xiriiriyeyaasha magaca ah:
Xiriiriyeyaasha waxay u kala qaybmaan: isku-daboride
(copulative, additive, cumulative) «Cali iyo Caynab», «Cali wuu tagay, (ee
/ oo) Caynabna way tagtay», «Cali iyo Caynab, midna
ma tagin»; kala-daboride (disjunctive, alternative) «ama
Cali baa tagay ama Caynab baa tagtay»; isku-lid
(adversative) «Cali baa tagay, Canabse way hartay», «Cali baa tagay,
Canabna way hartay», «Cali wuu tagay, hase yeeshee Caynab baa
hartay»; natiijeed (illative, inferential) «aad buu u shaqeeyay, ee
(oo) wuu nasan karaa», «waan ku gudbay imtixaanka, sidaas dartaydna
(taas awgaydna, haddaba), shirkadda waan ka raadsan karaa shaqo»;
aqoole (distributive) «haddana wuu farxaa, haddana
wuu murgawdaa»; faahfaahshe (expletive) «Canab gurigay ku hartay,
(taas) oo ah / (taas) ee ah, way doonaysay guri joogid».
Dhawaaq-sawir
Dhawaaq-sawir (ideophone) waa erayo dhawaaq-dhaanjin
(onomatopoeia) dabiici ah, ee sawir-ahaan u qabta una soo gudbiya dhawaaqaas. Dhawaaq-sawirka
Soomaaliga waa erayo magac dhadig ah kaliya, waxaana kuwa afka Soomaaliga
goorta loo eego xagga shanta dareemeyaasha «maqalka, aragga, taabashada,
dhadhanka, ursashada» ka maqan dareenka «aragga», waayo afka Soomaaliga wuxuu
leeyahay jaadad kala duwan ee aragga wax ka sheega sida «madaw» iyo «yusur» ee
midab madaw dhaldhalaal leh ee ay tinta muujiso. Dhawaaq-sawirka afka
Soomaaliga inkastuu yahay eray magac ah, haddana wuxuu cabbiraa ficil iyo
xaalad isbaddalka, ee ma cabbiro mawqifka ama xaaladduu ku jiro. waxaa erayadan
si loo ficilgalsho la adeegsadaa falalka «dhahid», «iraahid» iyo «sìin». Waxayna
Cabdulqaadir Salaad Dhoore iyo Mauro Tosco «”111 Somali Ideophones”. Journal of
African Cultural Studies. 11, no 2 (December 1998): 125 - 156» u kala qaybshayn
dhawaaq-sawirka Soomaaliga afar koox:
A. Dhaqdhaqaaq,
oo isana si guud ah loo kala qaybin karo:
a.
Dhawaaq-sawir cabbira jaho dhaqaaqeed
i.
Dhaqdhaqaaq bilawbid ama galid: «big dhah,
ee soo laabo», «dabkii baa búl yiri», «hooyadii baa haf tiri»;
«bidaar baa ku sibiq tiri», «aqalkii buu daf yiri», «mindi baa
ninkii shuq tiri»,
ii. Dhaqdhaqaaq soo baxid, soo fuqid leh: «xariggii
baa fag yiri», «qandhadii markay jabtay ayaa dhidid fax ka soo
yiri», «canjeeradii fush (fush) ayay tiri», «harameha gaf
ka soo sii», «libaax baa jiqda fud ka soo yiri»,
iii.
Dhaqdhaqaaq
hoos u dhacid, soo dhacid: «biyahii baa shalalab igu soo yiri», «roobkii baa shalaab
soo yiri», «shilin baa shuluq biyaha igaga yiri», «wub buu dhagaxii
dhulka ku yiri», «cunuggii baa dhulka wab ku yiri», «caano ayuu biliq
biliq ku siiyay»,
b. Dhawaaq-sawir cabbira habka dhaqadhaqaaqa: «darbigii
ayuu balaw ka yiri», «caanahii baa gab yiri», «jidkii baa sag
yiri», «gaarigii baa agtayda xuf ku yiri», «ushii ayuu huf huf ka
siiyay», «arigii baa baw baw yiri»,
B. Dhawaaq-sawir
dhaqdhaqaaq garaacid:
a.
Dhaqdhaqaaq garaacid leh: «sarbi baa wash
laygu siiyay», «iriddii ayuu kub kub ka siiyay», «iriddii ayaa qab
tiri», «biyahii ayuu mar qab ka siiyay», «qorigii qac yiri baa iga
naxshay», «koortii baa qalaw qalaw tiri», «naftii baa qalaw ka
tiri»,
b. Dhaqdhaqaaq jabid, jarid ama jeexid, bujin leh:
«ushii bay qac ka siisay»,«lugtiisa ayaa bash tiri», «dhalo ayay
madaxiisa bash ku siisay», «shaarkii ayaa duudka dhac ka yiri»,
«sabuulkii baa dhiliq yiri», «qarinkii ayuu dhash ka siiyay»,
«nabarkii baa dhag yiri», «sakiin buu dhag ku siiyay», «boocii
buu dhuc ka siiyay», «qodax baa tush igu tiri», «mindidii cusbayd
buu hilibkii xaf kaga siiyay»
C. Dhawaaq-sawir
dhawaaq soo saara ama mid baxsha dhawaaq iyo if: «shinbirahii baa jiiq jiiq
leh», «dacaskiisa ayaa jiiq-jaaq yiri», «dabkii baa daangadii jac jac
ka siinaya», «caleemaha ayaa jac jac leh», «jaq iyo juqdii
buu gabay», «warmahii baa meel fog halalac ka yiri», «nalkii baa big
(big) leh», «nalkii meel fog ayuu bilig ka yiri», «hilaacii baa wac
yiri», «qalbigii ayaa wac yiri»,
D. Kuwo
iskudhafan ee baxsha macnooyin kala duwan, sida dhimasho dagdag leh, dilid, wax
cabid ama wax cunid: «ushii buu qalaf ninkii uga siiyay», «dabkii baa dam
yiri», «cuntadii ayuu dam siiyay», «daal awgii ayuu hurdo dug la
yiri», «daacuunkii awgiisa ayaa dadkii gam yiri», «ham ka sii», «cadkii
ayuu juluq ka siiyay».
Sumadaha Magacyada iyo Sumadaha Habdhaca Codaynta
Magacyada af Soomaaliga waxaa sumad magaceed (case) qaadta
magacyada cayiman (definite) ee ay cayimaan tifaftireha qodabka, goortuu
qodabka yahay «-ha; -ka / -ta» taas waa inuu sumad «sal» ah (absolutive) yahay,
goortuu «-hu; -ku / -tu» yahayna waa sumad «soocane» ama meel uga soo taagan goorta
loo barbardhigo sumada salka muujisa ama hadday magacyada kale ee oraahda ay
leeyahiin sumad sal ah, ee waxaa kaloo qaadta magac-u-yaalada «kú» iyo «tú» ee
tilmaama kuwa gooni u soocan ee qoflaawe ah (impersonal), goortuuna «-hii; -kii
/ -tii» yahay waa sumad «soocane duruufeed» ama tilmaama inuu magaca yahay wax
ama qof maskaxda wada hadleyaasha uga jira ama si gooni uga dhaxeeya aminkuu
doono ha ahaado, ee duruuf ay wada wadaagaan leh, ama u tilmaama si iska soo
horjeed ah aminada kala duwan «barigii, maalintii, habeenkii, galabtii...»,
waxaa kaloo qaadta magac-u-yaalada «kú» iyo «tú» ee naqoda «kíi» iyo «tíi». Magacyada
aanan cayinaynin (indefinite) waxay qaadtaan «í», taas waa haddaynan «í» ku
dhamaanin, ee siiya «xoojin» (emphasis) aanan waxna ka baddalin magaca sumadda
qaadta.
Sumadahan aan kor ku soo sheegay, siiba «í» iyo qodabka «-hú;
-kú» baa lagu sheegaa inay yahiin samado «yeele» ah (subjective / nominative)
laakiin dhabtu waa inuunan midna ku saabsanaynin yeele. Sumadaha qodabada iyo
tan shaqalka «í» goorta laga reebo, magacyada ee sumad la’aan ah waxay ku xiran
yahiin habdhaca codaynta ama xoogsaarka codka ee saameeya culayskuu codka ku
leeyahay alanka ama «culayska alanka» (mora) ee ku dhaca shaqalka; habdhaca
codaynta wuxuu magaca u saameeyaa hadba hawshuu ugaga jiro weerta; waxayna kala
yahiin «sal» (absolutive) ee ah siduu magaca yahay isagoo aanan hawl galin, goortuu
hawl galona magaca «salka» ah waa «layeele» (objective / accusative) laakiin sumadda
ama habdhaca codka layeeleha waa isla «sal»kii (absolutive); tan kale waa
goortuu magaca yahay «yeele» (subjective / nominative); tan kalena waa «lehaan»
ama «lehaanle» (genitive) iyo tan «yeermo» ah (vocative), ee xattaa qaadan kara
sumadda «-aw!; ahaw! / -ay!; ahay!»; sumadaha habdhaca codaynta waa: 1- «sal»
absolutive ee codkuu sal-ahaan ku sidto leh; waa habdhaca 2aad «cod kacan ama
sare baa ku dhaca culayska alanka aakhirka kahor»: «Cáli», «Faadúmo»;
2- «yeele» subjective ama nominative ee ka luma codka salkiisa ee habdhaca 3aad
ah «cod dagan baa ku dhaca alanada culayska ee dhan»: «Cali», «Faadumo»; 3-
«lehaan» ama «lehaanle» genitive ee habdhaca 1aad leh «cod kacan ama sare baa
ku dhaca culayska alanka aakhirka, alanada kale waa cod dagan»: «Calí»,
«Faadumó»; 4- «yeermo» vocative ee habdhaca 4aad leh «cod kacan ama sare
baa ku dhaca culayska alanka hore»: «Cáli», «Fàadumo». Habdhaca
codka Soomaaliga waxaa saameeya siduu naxweha u dhisan yahay; ka soo qaad diiradiyeha
«baa / ayaa» magacuu diiradiyo, ha ahaado yeele ama layeele, habdhaca ma is
baddalo, laakiin waxaa isbaddala habdhacuu falka qaadto goortuu yahay yeele, ee
culayska alanka (mora) wuxuu ugu dhacaa aakhirka alanka falka si cod kacan ah ama
cod sare (high tone), tusaale:
1- Áxmad
bàan arkay. (layeele)
2- Áxmad
bàa i arkáy. (yeele)
Waxaa jira oo kale sumadahay matalaan dibyaalada
(postposition) ee dibyaala kaliya magac-u-yaalada dhidban ee layeeleha dadban
ama layeeleha toosan ee falalka magudbeha ah, sida falka «hadal» iyo «ká
qósalsii»; inkastooy sumad u yeelin magacyada haddana sumadahay matalaan iyo
sumadaha habdhaca codaynta waa: 1- «sal» absolutive; «yeele» nominative; «lehaan»
ama «lehaanle» genitive; «yeermo» vocative; waa kuway Kuushka Omo-Tana ee uu
Soomaaligu ka mid yahay leeyahiin iyo inta badan ee afafka Kuushka; sumadahay
afafka Omo-Tana ku matalaan dibyaalada waa: 1- «ú jeede» allative; 2- «loola
jeede» dative; 3- «meelle» locative; 4- «la adeegsade» instrumental; 5- «meel
ka soo jeede» ablative; 6- «la jire» comitative; (eeg lawxa 18).
Lawxa 18
Dibyaalada
ee afafka Omo-Tana
|
||||||
Soomaali
|
Rendiile
|
Boni
|
Dhaasanaq
|
Arbore
|
Elmolo
|
|
u
jeede
|
ú
|
í
|
ú
|
ká
|
||
loola
jeede
|
ú
|
í
|
ú
|
kí
|
ka
|
ka
|
meelle
|
kú
|
ká
|
kí
|
gaa
|
ka
|
|
la
adeegsade
|
kú
|
ká
|
kí
|
kí
|
kaŋ
|
ka
|
meel
ka soo jeede
|
ká
|
ká
|
kә
|
gaa
|
ka
|
ka
|
la
jire
|
lá
|
leé
|
lí /
ní
|
kí
|
Dibyaalka «kú» ee «meelle iyo la adeegsade» ah, waxaa u
sii dheer «waxaan guriga ku galay si qarsoodi ah» taas ee ah inuu qabto hawl
«duruufeed» (circumstantial). Afafka Omo-Tana sida Soomaaliga waxay hawsha
magacyada ku sumadeeyaan habdhaca codaynta, sida af Soomaaliga sumad hawsha
magacyada lagu kala garan karo ma qabaan; xattaa haddii sumadaha ee habdhaca
codaynta ay wax macne ah siinin wali magacyadu waxay yahiin kuwo «sal» ah,
«yeele» ah, «layeele» ah, iyo sumadahay dibyaaladu matalaan, iyo sumadaha tififtireyaasha
qodabka qaadto iyo «í»da ee magaca aanan cayimanaynin, dhamaan waa kuwo wada
dhab ah ee jira.
Xagga sumadaha magacyada, afafka Kuushka waxaa loo kala
qaybshaa labo: afafka Kuushka Bariga ee Dhulalka Hoose ee ku leh layeeleha
sumadda «sal»ka ah (absolutive) iyo
afafka Kuushka Dhaxe, Kuushka Waqooyiga iyo Kuushka Bariga ee Dhulalka Sare ee
ku leh layeeleha sumadda «layeele»ha ah (accusative); inta kale ee sumado waa
isku mid, sida «yeele» nominative, «meel ka soo jeede» ablative, «meelle» locative,
«la adeegsade» instrumental, «lehaanle» genitive, «u jeede» allative /
directive, «loola jeede» dative, «la jire» comitative; qaar waxay leeyahiin
dhamaan, qaarna in ka yar.
No hay comentarios:
Publicar un comentario